(SLT-Boosaaso)-Xarakada Al-Shabaab ayaa goor dhow sheegatay toogasho saaka ka dhacday Dekedda Boosaaso, kaasoo lagu dilay Madaxii Mashruucda DP World ee Dekedda Boosaaso. ee maamulka Puntland.
Nin hubeysan oo la sheegay inuu iska dhigay Kalluumeysato ayaa toogtay Paul Anthony Fermosa oo madax ka ahaa Mashruuca Shirkadda DP World ee qaabilsan dhismaha iyo ballaadhinta Dekeda Boosaaso.
Afhayeenka howl-galada Al-Shabaab C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay inay dileen ninkii madaxda ka ahaa DP World ee Dekeda Boosaaso.
Waxaa uu sheegay in weerarkan uu qeyb ka yahay kuwo ka dhanka ah waxa uu ugu yeeray Shirkadaha calooshood u shaqeystayaasha Shisheeye ee boobka iyo faragelinta ku haya Soomaaliya, isla markaana doonaya inay la wareegaan kheyraadka iyo dhaqaalaha dadka Soomaaliyeed.
Ciidamada Ammaanka ayaa toogtay ninkii hubeysnaa ee geystay toogashada Madaxii Shirkadda DP World ee Dekeda Boosaaso.