Connect with us

somalilandtoday.com

Millatariga Mareykanka Oo Sheegay in 27 Ka Dileen Al-shabaab Afartii Maalmood Ee Lasoo Dhaafay

focus

Millatariga Mareykanka Oo Sheegay in 27 Ka Dileen Al-shabaab Afartii Maalmood Ee Lasoo Dhaafay

(SLT-Muqdisho)-Millatariga Mareykanka ayaa sheegay inay dileen 13 xubin oo ka tirsan Al-shabaab, meelo 48 km dibadda ka ah caasimadda Muqdisho.

Duqeyntan ayaa jimcihii ka dhacday agagaarka Gandarshe ee gobolka Shabeellada hoose, qoraalka waxaa lagu sheegay in Gandarshe tahay meesha laga soo abaabulo qaraxyada Muqdisho. December ayey aheyd markii Mareykanku sheegeen in isla magaalada ku dileen 62 ka tirsan Al-shabaab.

Khamiistii, duqeyn ay Mareykanka ka fuliyeen gobolka Hiiraan waxaa ay sidoo kale sheegeen inay dileen 24 Al-shabaab ah.

Weerarka Jimcaha waa kii 10aad ee sanadkan, sanadkii hore waxaa ay Mareykanka fuliyeen 50 weerar.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top