(SLT-Manchester ) Manchester City ayaa guul muhiim ah Etihad Stadium kaga gaadhay Arsenal waxayna Sky Blues ka soo kabsatay guuldaradii niyadjabka lahayd ee ay Newcastle United kala kulantay .
Rajadii Arsenal ay ka qabtay in ay dagaalka kaalinta afraad ku sii cadaadiso Chelsea ayay Man City jug wayn soo gaadhsiisay iyada oo Gunners ka soo dhacday min kaalinta afraad ilaa kaalinta lixaad waxayna guuldarada soo gaadhay Arsenal fursad u noqotay Man United oo ugu danbayn kaalintii lixaad ee Mourinho kaga baxay ka soo dalacday.
Manchester City ayaa laba dhibcood u soo jirsatay Liverpool oo habeen danbe booqan doonta kooxda West Ham United waxayna kooxda Guardiola awooday in ay ugu horay ka soo baxday hal imtixaan oo ah imtixaano dhawr ah oo iskugu xigi doona.
SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN
ARSENAL (3-4-3): Bernd Leno, Shkodran Mustafi, Laurent Koscielny, Nacho Monreal; Stephan Lichtsteiner, Lucas Torreira, Matteo Guendouzi, Sead Kolasinac; Alex Iwobi, Pierre-Emerick Aubameyang, Alexandre Lacazette.
Kaydka: Petr Cech, Mohamed Elneny, Aaron Ramsey, Mesut Ozil, Denis Suarez, Konstantinos Mavropanos, Eddie Nketiah.
MANCHESTER CITY (3-2-4-1):
Ederson; Kyle Walker, Nicolas Otamendi, Aymeric Laporte; Fernandinho, Ilkay Gundogan; Bernardo Silva, Kevin De Bruyne, David Silva, Raheem Sterling; Sergio Aguero.
Kaydka: Danilo, John Stones, Fabian Delph, Leroy Sane, Riyad Mahrez, Gabriel Jesus, Arijanet Muric.
Kulankan ayaa saamayn xoogan ku yeelanayay tartanka koobka Premier league iyo waliba kaalinta afraad ee Champions iyada oo Man City doonaysay in ay ka soo kabsato guuldaradii Newcastle United si ay Liverpool cadaadis u sii saarto halka Arsenal ay raadinaysay sidii ay kaalinta afraad ugu sii dagaalami doonto.
Daqiiqadii 1 aad Manchester City ayaa isla markiiba goolka furitaanka ku aamusiisay Arsenal iyada oo Sergio Aguero uu kulankii labaad oo xidhiidh ah uu goolka furitaanka Man City u saxiixay iyada oo 50 ilbidhiqsi ayna dhicin kadib markii uu caawin ka helay Laporte waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay markiiba City hogaanka kula wareegtay.
Daqiiqadii 9 aad Man City ayaa markii labaad gaadhay shabaqa Arsenal iyada oo Laporte uu darbo madax qurux badan gool ku dhaliyay laakiin waxa uu si cadaan ah ugu jiray offside.
Daqiiqadii 11 aad Arsenal ayaa ciyaarta dib ugu soo laabatay kadib markii uu difaaca dhexe ee Koscielny uu darbo madax jiifto ah uu ku garaacay goolhaye Ederson waxaana koorne fiican soo tuuray oo caawinta goolkan sameeyay Nacho Monreal waxayna ciyaartu noqotay barbaro 1-1 ah.
Man City iyo Arsenal ayaa abuuray fursado dhawr ah oo ay mid kastaaba ku doonaysay laakiin fursado fiican ayay labada kooxoodba lumiyeen waxaana sii socday dagaalka goolka labaad loogu jiray iyada oo Man City ahayd kooxda inta badan goolkan laga filan karayay.
Daqiiqadii 44 aad Arsenal ayaa la kulantay ciqaabta wixii ay uga qalantay difaacashadii carruurnimada lahayd ee ay samaysay kadib markii uu Sergio Aguero dhaliyay goolkii ugu sahlanaa ee uu xili ciyaareedkan soo dhaliyay isaga oo kaliya u baahday in isaga oo cidlo taagan uu kubbada xariiqda dhaafiyay.
Gundogan ayaa kubbad dhinac bidix uga karoosay Raheem Sterling oo cidlo ka helay difaaca seexday ee Arsenal, laakiin kubbada uu Sterling soo hormariyay goolka Arsenal ayuu Aguero sida ugu sahlan ugu dhaliyay goolkiisa labaad isaga oo aan xataa wax cadaadis ah kala kulmin ciyaartoy Arsenal ah, waxayna ciyaartu noqotay 2-1 ay Man City hogaanka ciyaarta ku soo ceshatay.
Dhamaadkii qaybtii hore ee ciyaarta Sterling ayaa goolka saddexaad ee Man City ugu dhawaaday kadib markii uu wax yar u jirday kubbad dilaa ahayd oo uu De Bruyne soo hor mariyay goolka Arsenal balse waxaa lagu kala nastay 2-1 ay Man City hogaanka ciyaarta ku haysay.
Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta Arsenal oo laga filayay in ay soo laabto iyada oo isa soo canaanatay ayaaba garoonka soo gashay iyaga oo lugaha dhulka la dhacaya oo aan dhaqaaq lahayn, waxaan dardartii halkii ay qaybtii hore kaga tagtay ka sii bilawday Man City.
Daqiiqadii 61 aad Manchester City ayaa heshay goolkeeda saddexaad kaas oo ay ahayd in aanu sharci noqon maadaama oo uu Sergio Aguero gacantiisa u adeegsaday kubbada goolka sida tooska ah u gashay kadib markii uu kubbad ka helay Raheem Sterling, laakiin garsoorka ayaan waxba ka badalin go’aankooda wuxuuna noqday gool sharci loo aqoonsaday.
Haddii uu VAR ka jiri lahaa Premier league waxaa hubaal ah in goolkani uu noqon lahaa mid sharci daro ah, laakiin ciyaartoyda Arsenal oo si cad u arkayay in kubbadu ay Aguero kaganta kaga dhacday markii uu xariiqda sii dhaafinayay ayaan waxba doodooda laga soo qaadin waxayna ciyaartu noqotay 3-1 ay Man City hogaanka ku dheeraysatay isla markanaa uu Aguero saddexley ku dhaliyay.
Daqiiqadii 66 aad Unai Emery ayaa hal mar ciyaarta soo wada galiyay Aaron Ramsey oo uu ku badalay Alex Iwobi oo markale ku fashilmay in uu u cudur daaro in Mesut Ozil kaydka loo galiyay waxaana sidoo kale ciyaarta soo galay saxiixa cusub ee Danis Suarez iyada oo la saaray Kolašinac.
Go’aanka uu Unai Emery kaydka ugu sii hayay Mesut Ozil ayaa ahaa mid amakaag ah isla markaana muujinayay sida Emery u doonayo in xidiga reer Germany uu ku qasbo in uu Gunners iskaga baxo laakiin sidoo kale isaga ayaa marayay ciqaabtii shax xumadii uu Etihad Stadium kala soo muuqday.
Man City ayaa si joogto ah fursado ugu abuuraysay goolka Arsenal wuxuuna Aguero daqiiqad kasta filan karayay in uu goolkiisa afraad dhalin karo waxayna ciyaartu noqotay mid dhinac kaliya ka socota.
Daqiiqadii 79 aad Shkodran Mustafi ayaa garoonka laga saaray kadib markii uu dhaawac la dhibtoonayay waxaana kaydka looga yeedhay Konstantinos Mavropanos waxayna Arsenal u muuqatay mid xili horeba ka quusatay in ay soo laabto.
Dhamaadkii ciyaarta Guardiola ayaa saaray Sergio Aguero wuxuuna soo gaiyay Gabrield Jesus oo markiiba fursado fiican qasaariyay waxaana sidoo kale ciyaarta la soo galiyay Riyad Mahrez iyada oo Kevin De Bruyne ciyaarta laga saaray.
Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3-1 ay Manchester City ku dubatay Arsenal iyada oo waliba goolal ka badan intan guul ku gaadhi kartay waxayna City laba dhibcood u sii jirsatay hogaanka Premier league ee ay Liverpool hayso iyada oo sugi doonta kulanka West Ham.
Arsenal ayaa kaalinta lixaad u dhacday waxaana kaalinta shanaad soo cidhiidhsatay Man United.