Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Biixi Oo Sheegay In Uu Xilka Dhibsanayo

focus

Madaxweyne Biixi Oo Sheegay In Uu Xilka Dhibsanayo

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo sheegay in uu si weyn uga soo horjeedo muddo dhaafka goleyaasha Qaranka ee inta badan doorashadooda dib loo dhigo ayaa sheegay in uu xilka u arko meel kulul oo ay tahay in hore looga cararo, islamarkaana aan la isku sii dhejin.

“midna waan ku dardaarayaa aniga iyo inta kale ee markaas xilka haysa anigu garan maayo xilka raga yidhaahda waa lagu dhaggan yahay oo waa lagu dagaalamayaa waxay qabanayaan, anigu waxaan xilka u arkaa meel kulul oo dab ah oo hore loo dhaafo oo aan lagu sii raagin, hadaanay wax iska kay badalin, sidaas darteed waxa aan leeyahay dadka doonaya xilka inay ku raagaan garan maayo waxay ka heleene ee waxa wanaagsan in shantii sano iyo waxkhtigii laysu qabtay xilkeeda aynu ku wareejino, taas waan ku adkaynayaa waayo ciidankaas furinta ku dhimanaaya iyo ardaygaas yar ee soo dadaalaya rajadoodu way xumaanaysaa hadii aan la helin doorasho iyo madax kolaba la doortay oo lagu wada kalsoon yahay,” Sidaas ayuu madaxweynuhu ku yidhi khudbad uu shalay ka jeediyay sanad guurada 25-aad ee Ciidanka Qaranka.
Waxa loo wada fadhiyi doona in hadalka madaxweynuhu noqdo mawqifkiisa runta ah sida uu uga shaqeeyo qabsoomidda doorashooyinka muddo xileedkiisa inkasta oo haddaba ay jiraan goleyaal loo kordhiyay intii uu xilka hayay lagana warwarsan yahay in doorashadiisa iyo kuwo kaleba xilligooda ku qabsoomi doonan.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top