Connect with us

somalilandtoday.com

“Hadduu Hadlo Qofka Ka Soo Jeedaa Bariga Iyo Koonfurta Hargeysa Waxa La Odhanayaa Waa Soomaali-Weyn…” Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiillada Oo Xukuumadda KULMIYE Eedeeyay Arrin Fadeexad Ah

focus

“Hadduu Hadlo Qofka Ka Soo Jeedaa Bariga Iyo Koonfurta Hargeysa Waxa La Odhanayaa Waa Soomaali-Weyn…” Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiillada Oo Xukuumadda KULMIYE Eedeeyay Arrin Fadeexad Ah

(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiillada ee ka soo jeeda Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa ka hadlay Xaaladda dhaqan-dhaqaale ee Somaliland ku sugan tahay xilligan.

Xildhibaan Xoog oo Shalay Hargeysa kula hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay Dalka ka jirto Xaalad dhaqaale la’aaneed, taasi oo ay Bulshadu wada dareentay, sidaa darteed loo baahan yahay in Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi samayso furfuraan, halka buu yidhi ay wax walba xidhay.

Xildhibaanka oo dhawaan ka soo laabtay Dalka dibeddiisa ayaa isagoo Xaaladda Waddanka ka hadlaya wuxuu yidhi “Xaaladda Waddanku waa Xaalad busaaradeed, Xaaladdaa busaaradeedna waxa keenay Maamulka Dawliga ah oo furfurnaan badan ka maqan tahay oo aad u xidh-xidhay noloshii Dadka. Markaan waddanka ku soo noqday waxaan arkay Waddanka dhaqdhaqaaqiisii dhaqaale, Ganacsi iyo shaqo ay taagan yihiin meeshii ugu xumayd.”

Xildhibaan Cabdiraxmaan-Xoog waxa kale oo uu ku dooday inaan Xukuumaddu waxba ka qabanin dhanka shaqo-abuurka “Xaggii shaqo-abuurka waxba lagama qaban, xaggii maceeshadda waxba lagama qabanin, sicir-bararkii kor ayuun buu u sii kacay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in loo baahan yahay in Xukuumaddu ay dhaqaalaha siidayso “Anigu ma aaminsani Dad Af-miishaariin ah oo lacag uun la iskaga qaybiyo, laakiin si kale ayaa Dadka lacagta lagu soo gaadhsiiyaa, lacagta waalla furaa, Mashaariicbaa la gelinayaa, shaqo-abuur baa la sameeyaa, Lacagtu markay Xukuumadda ka timaaddo Baayac-mushtarkii baa wax laga iibsanayaa, Baayac-mushtarkiina Cashuur ayuu bixinayaa.”

Xildhibaanku waxa kale oo uu sheegay in Dadka ka soo jeeda Koonfurta iyo bariga Hargeysa lagu dacaayadeeyo inay Soomaali-weyn yihiin, dacaayadaha noocaasna ah Xukuumaddu u soo dhiibto Dad uu ku sheegay inay yihiin Mucaarad ku sheeg “Hadduu hadlo Qofka ka soo jeedaa bariga iyo Koonfurta Hargeysa waxa la odhanayaa waa Soomaali-weyn, hadduu ka soo jeedo Gobolka Sool waxa la odhanayaa waa Puntland, qofku hadduu ka soo jeedo Awdal waxa la odhanayaa waa Awdal Land, Jabuuti ama Itoobiya, markaa haddii Dadku awalba ku kala qaybsameen doorashadii oo aan la isku soo jiidin, haddana haddii sii la bartilmaameedsado Dad gaar ah waxaan leeyahay Dadku way sii kala fogaanayaan, Xukuumaddu Mucaaradaddada uma adkaysanayso, haddaad Dad 60% Bulshada Somaliland ka ah aad shaambad la daba joogsato oo aad tidhaahdo waa Soomaali-weyn, una soo dhiibto kuwo Mucaarad ku sheeg ah, adiguna aad tidhaahdo Dadku way sii kala fogaanayaan uun.”

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top