Connect with us

somalilandtoday.com

Xulka Kubadda Cagta Dalka Qatar Oo Markii Ugu Horreysay Ku Guuleystay Koobka Asian Cup

focus

Xulka Kubadda Cagta Dalka Qatar Oo Markii Ugu Horreysay Ku Guuleystay Koobka Asian Cup

(SLT-Qadar)-Xulka kubbada cagta dalka Qadar ayaa ku guuleystey koobka Asian Cup kadib markii ay 3-1 ay kaga badisay ciyaartii kama dambeysta ahayd xulka Japan.

Ciyaaryahanka asalkiisu yahay dalka Sudan ee Cali ayaa dhaliyay goolkiisii sagaalaad ee tartankan oo ka dhacay wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Waxaana goolka saddexaad u dhaliyay xulka Qadar Cafif oo ah ciyaaryahan asalkiisu ka soo jeedo dalka Soomaaliya.

Xulka kubbada cagta dalka Qadar ayaa guulaha ay ka gaareen tartankan waxa uu u yahay mid caalamka ay tuseen sida ay isugu diyaarinayaan tartanka ciyaaraha adduunka ee soo socda kaasoo uu dalka Qadar martigelin doono.

Xulalka wadamada Sacudi Carabiyo iyo Imaaradka Carabta oo xafiiltamaan dalka Qadar ayaa labadaba waxaa ka badiyay xulka Qadar tartankan iyadoo xulka Imaaradka ay isku arkeen ciyaartii Semi Finalka loogu awood sheegtay 4-0.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top