Connect with us

somalilandtoday.com

Xisbiga (WADDANI) waxa la gudboon dhowr arimood oo daruuri ah…W/Q Faarax Cigaal

Articles

Xisbiga (WADDANI) waxa la gudboon dhowr arimood oo daruuri ah…W/Q Faarax Cigaal

Madaama wacyiga siyaasadeed ee wadanku ku sugan yahay arimo halis ku ah hab maamulka qaranka, waxa muhiim ah, in xisbigu dib u dhis gudihiisa ku sameeyo, si culays loo saaro xukuumada talada haysa ee kulmiye.

Si loo helo mucaarid adag oo shacabka ka difaaca, cadaalad darada, musuqmaasuqa, xadhiga muwaadiniinta ee sifaha sharci daro u xidhan, oo hada aad u sii badanaya.

6px; font-family: inherit;”> Si loo abaabulo dareenka shacabka ee ku dhiban maamulka xukuumada Kulmiye, waxa xisbiga la gudboon iyaga oo muujinaya dareenka shacabka, In si sharciga waafaqsan xisbigu u abaabulo banaan baxyo muujinaya dareenka shacabka, oo ka dhaca lixda gobol ee Somaliland.
Waa masuuliyad xisbiga saaran In la abaabulo dareenka shacabka ee taageera xisbiga.
Waxa sidoo kale iyana muhiim ah –

  • In xisbigu soo dhiso xoghayayaashi
    wasaaradaha (opposition cabinet), si meel
    ku gaadh ah, ka hor shirka golaha dhexe.
    Waayo, mucaarid aan lahayn opposition cabinet, siduu mucaarid ku noqon karaa?
    Wasaarad waliba waxay u baahan tahay xoghaye ka war haya hawsha qaran ee ay qabato, sida ay qorshaha dowlada u gudato, waxa u qabsooma iyo waxa ka qabyo ah, si loo helo isla xisaabtan.
    Constructive criticisms.

W/Q Faarax Cigaal


Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top