Connect with us

somalilandtoday.com

Ciidanka Qaranka Oo Maanta 25 Jirsanaya Iyo Xus Ballaadhan Oo Lagu Qabanayo Hargeysa

focus

Ciidanka Qaranka Oo Maanta 25 Jirsanaya Iyo Xus Ballaadhan Oo Lagu Qabanayo Hargeysa

(SLT-Hargeysa)-Ciidanka qaranka Somaliland ayaa maanta u dabaal degaya sannad guurada 25aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay.

Ciidanka qaranka Somaliland, wuxuu maanta noqonayaa 25 jir, waxaana la filayaa in la qabto munaasibad loogu dabaal degayo maalintii la aasaasay ciidanka qaranka Somaliland, oo uu ka qayb galo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ciidanka qaranka ayaa wuxuu maalin walba u dabaal-degaa 2 February oo ku beegan maalintii 25 sanandood ka hor la aasaasay. Ciidanka qaranka ayaa sannadkii 1994 waxa lagu aasaasay guutadii Sancaani ee ururkii SNM oo uu Alle haw naxariiste Marxuum Suldaan Maxamed Suldaan Faarax ku wareejiyay Madaxweynihii xiligaas Alle haw naxariiste Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

Wararkeena dambe ayaanu idinku soo gudbin doona xaflad lagu qabanayo Hargeys oo uu ka qayb-galay Madaxweyne Muuse Biixi iyo khudbad lagu jeediyay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

Advertisement

Feaured

To Top