Connect with us

somalilandtoday.com

Ciidamada Badda Somaliland Iyo Midowga Yurub oo Dhoolatus Wada Sameeyay

focus

Ciidamada Badda Somaliland Iyo Midowga Yurub oo Dhoolatus Wada Sameeyay

(SLT-Berbera)-Intaan dhoolla tuska dhanka hawl galadda badda ah aanay labada ciidan wada samayn waxaa ciidanka Badda Somaliland lagu tababaray xeeladaha ciidanka baddu u hawl galo iyo siyaabaha ay u soo samato bixin karaan cidda qarqoonta ee gurmad ka soo dalbata.

Waxaana tababarla ciidanka badda Somaliland siiyay Markab dawladda Isbayn (Spain) ay leedahay oo qayb ka ah hawlgalka Midawga Yurub, tatabarkaas oo ciidanka Badda Somaliland ay ku qaateen xeebta Berbera ee gobolka Saaxil.

Tababarro kala duwan oo lagu qabtay xeebaha Berbera ayaa isugu jiray kuwo tijaabo ah, kuwo casharro ay ku qaadanayeen saraakiisha ciidanka badda Somaliland iyo askarta lafteeduba.

Waxaana dhoolatuska labada ciidan ay wada sameeyeen goob joog ka ahaa taliyaha ciidanka Illaalada Xeebaha Somaliland Adminaral Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane) iyo saraakiisha ka socotay ciidanka Midawga Yurub ee Markabka Isbayn laga leeyahay hoggaaminayay iyo masuuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland.

Masuuliyiin ka socda wasaaradda arrimaha gudaha iyo saraakiisha ciidanka badda ayaa fuulay Markabka Isbanishka ah, islamarkaana falanqayn iyo tababarro ku dul qaatay waxaanay goob joog u ahaayeen diyaaradaha qumaatiga u kaca oo Markabka ka dul kacaya kuna soo degaya.

Waxa saraakiisha ciidanka badda Somaliland la siiyay tababar iyo hawlgallo ku saabsan samata bixinta iyo xeeladaha helista dadka qarqoomay ee la soo xidhiidha waxaana lagu tababaray carbinta dadka badda galaya.

Dhoollatuska labada ciidan wada sameeyeen ayaa ku soo dhammaatay hannaan ay isla jaan qaadeen isla markaana iska kaashan karaan waxyaabo badan oo la xidhiidha dhanka hawl gallada badaha iyo ka hor tagga budhcad badeedda iyo samatobixinta dadka qarqooma.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top