Connect with us

somalilandtoday.com

Xarakada Al-shabaab Oo Gadiid Dadweyne Ku Gubtay Shabeelada Hoose .

focus

Xarakada Al-shabaab Oo Gadiid Dadweyne Ku Gubtay Shabeelada Hoose .


(SLT-Shabeelada Hoose ) Al Shabaab ayaa deegaan ku dhow degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ku gubay gaadiid xamuul ahaa oo marayay meel aan ka fogeyn degmada Afgooye.

Gaadiidka oo gaaraya 7 Gaari ayaa la sheegay in lagu gubay deegaanka Doonka oo u muuqda degmada Afgooye, sida wadayaasha gaadiidka qaarkood ay warbaahinta u sheegeen.

Gaadiidka la gubay ayaa waday Dhuxul, waxaana uu ka yimid degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose, isaga oo kusoo wajahnaa degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Mid kamid ah wadayaasha gaadiidka la gubay ayaa sheegay deegaanka oo aan ka fogeyn degmada Afgooye lagu gubay gaadiidka, markii gaadiidkooda la gubay kadibna inay u yimaadeen ciidamada dowladda balse aysan waxba u qaban.

“Baabuur todobo ah oo Inatareeya ah ayaa lagu gubay Doonka oo Afgooye u muuqda, Al Shabaab ayaa gubay,sababta nooma sheegin, laakiin hore ayay jarista dhirka u mamnuuceen, ciidanka dowladda gaadiidka oo gubanaya ayay inoo yimaadeen waxba nooma qaban, weynaga naga laabteen”ayuu yiri ruuxa kamid ah darawalada gaadiidka.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al shabaab iyo maamulka Shabeelaha Hoose, kaasi oo ay kaga hadlayaan gaadiidka lagu gubay meel aan ka fogeyn degmada Afgooye

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top