(SLT-Ivory Coast) Xildhibaan hore u soo noqday wasiir ayaa xabsi lagu xukumay kadib markii lagu helay inuu barabha bulshada ku faafiyey warar been ah oo abuuri kara xasilooni darro.
Xildhibaankan oo lagu magcaabo Alain Lobognanoo ayaa ka tirsanaa Baarlamanaka dalka Ivory Coast horeyna wuxuu u soo noqday wasiirkii ciyaaraha dalkaasi, iyadoo lagu xukumay hal sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya $520 doolar, kaddib markii uu bartiisa Twitter-ka uu ku qoray warar been abuur ah oo la sheegay inay abuui karaan rabshado.
Xeer ilaaliyaha dalkaasi ayaa 9-kii bishaan Janaayo amar ku bixiyay in la xiro xildhibaankan. Waxaana xeer ilaaliyuhu uu sheegay in hadalka uu bartiisu tweterka ku qoray uu kicin karo rabshado iyo isku dhacyo bulshadeed .
Affoussiata Bamba Lamine oo ah qareenka xildhibaanka oo la xiray 15 bishan ayaa sheegtay in uu doonayo uu racfaan ka qaato eedaha loo jeediyay. Waxay intaas ay ku dartay in ay iska caddahay in arintaani ay tahay kiis siyaasadeed oo ay ka dambeyaan qaar ka mid ah masuuliyiinta dalkaasi