Connect with us

somalilandtoday.com

Midawga Yurub Oo Ka Cago Jiidaaya Heshiiska Ingiriiska.

focus

Midawga Yurub Oo Ka Cago Jiidaaya Heshiiska Ingiriiska.


(SLT-London)Golaha Midowga Yurub ayaa sheegay inaysan diyaar u ahayn in wadahadal cusub ay la galaan dalka UK, kadib markii Baarlamaanka UK codsaday in wax laga bedalo heshiiskii ay horey u wadagaareen EU-da iyo Raysalwasaaraha UK Theresa May.

Midowga Yurub ayaa sheegay inaysan waxna ka bedali doonin qodobka xasaasiga ah ee la isku heysto kaasi oo la xariira qaabka loo maamuli doono xaduuda u dhaxeysa dalka Ireland iyo Waqooyiga Ireland oo kamid ah UK.

Guddoomiyaha Golaha EU-da Jean-Claude Juncker ayaa sheegay in aysan dib u furi doonin gorgortanka isagoona sheegay in Midowga Yurub aysan ogeyn waxa ay doonayaan siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada UK.

Wuxuu Guddoomiyaha EU-da sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in dalka UK uu bixiyo lacag ka badan $40 bilyan oo uu Midowga Yurub ku leeyahay wadanka UK xataa hadii aan lagu heshiin wadahadalka hada socda.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top