Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynaha Dalka Sudan Al-Bashiir Oo Sheegay In Aan Xukuumaddiisa Lagu Badali Doonin WhatsApp Iyo Facebook.

advertise

Madaxweynaha Dalka Sudan Al-Bashiir Oo Sheegay In Aan Xukuumaddiisa Lagu Badali Doonin WhatsApp Iyo Facebook.


(SLT -Sudan) Madaxweynaha Sudan Omar al-Bashir ayaa ku jeesjeesay mucaaradka kasoo horjeeda xukuumaddiisa oo uu ku tilmaamay in ay baraha bulshada u adeegsadeen kana soo abaabuleen dibadbaxyada kadhanka ah xukunkiisa.

“Xukuumad ama madaxweyneyaal laguma baddalo WhatsApp ama Facebook. Waxaa lagu baddali karaa oo kaliya doorashooyin,” ayuu u sheegay taageerayaashiisa.

Hadalkan ayuu yiri ayadoo dibadbaxyo cusub lagu qabtay magaalada caasimadda ah ee Khartoum.

Dibadbaxyada ayaa ka dhashay gunnooyinkiii lagu kabi jiray rootiga oo la jaray bishii December hase ahaatee markii dambe waxay isu baddaleen kuwo dhaliyey caro looga soo horjeedo xukunka Mr Bashir.

Xukuumadda Sudan ayaa sheegaysa in 30 qof ay ku dhinteen rabshadaha tan iyo markii qalalaasuhu uu bilowday.

Kooxaha xuquuqda aadanaha u dhaqdhaqaaqa ayaa gaarsiinaya tirada dhimashada in kabadan 40 qof.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in advertise

To Top