(SLT-Addis Ababa)-Madaxweynihii hore ee gobolka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Ilay) iyo 46 qof oo kale ayay xeer ilaalinta Itoobiya ku soo oogtay eedaymo la xidhiidha isku dir bulsho iyo abuuris qalalaase. Eedaha xeer ilaalinta loo gudbiyay maxkamadda sare ee Federaalka Itoobiya waxa lagu sheegay in dadkan oo badankoodu maqan yihiin loo haysto qalalaasihii Jigjiga ka dhacay bishii Ogos ee sanadkii hore xilli ciidanka Federaalka oo isku dayay in ay qabtaan Cabdi Ilay ay ka dhalatay isu soo baxyo qalalaase abuuray.
Sida warqadda eedda ku xusan waxa lagu haysta in ay maalgaliyeen, hubeeyeen, talo iyo tilmaan siiyeen dhallinyarada Heego ee nidaamkii Cabdi Ilay taageeraysay, islamarkaana kicin bulsho iyo isku horkeen qoomiyadeed ay sameeyeen taas oo khasaare ka dhashay.
Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Itoobiya ayaa 25-kii bishan soo bandhigay baadhitaan lagu sameeyay rabshadihii Jigjiga ka bilawday Ogos, 4, 2018 oo muddo ku siman todobaad socday. Waxa uu xeer ilaaliyuhu sheegay in ay rabshadaha ku dhinteen 58 qof laguna dhaawacay 266 qof. Waxa kale oo uu sheegay in haween la kufsaday sidoo kalena dhibaatooyin ka dhaceen kiniisado halka ay jiraan kiisas aan la soo tabin. Waxa kale oo la dhacay hanti gaadhaysa 421 Milyan lacagta Itoobiya ah.
47-ka qof ee dambiyada culus lagu soo oogay waxa xidhan lix qof kuwaas oo kala ah Cabdi Maxamuud Cumar oo 27, Ogos, 2018 laga soo xidhay guri ku yaalla Addis Ababa, Raxma Maxamed Haybe wasiirkii arrimaha haweenka iyo carruurta, Cabdirisaaq Saxane Cilmi oo ahaa madaxii xafiiska qurbejoogta, Farxaan Daahir oo ahaa madaxii booliska gobolka, Warsame Cabdi iyo Guuleed oo aan xil hayn. 41-ka qof ee kale ayaa waaran loo jaray iyaga oo maqan waxaana ka mid ah Cabdiraxmaan Labagole oo ahaa taliyihii Liyuu Booliska oo la rumaysan yahay in uu Turkiga ku nool yahay halka dadka qaarkood dalka gudihiisa ku dhuumaalaysanayaan.
Haddii dambiyadan lagu helo muxuu noqonaya xukunku?
Garyaqaan Wali Axmed Aadan oo shahaadada heerka labaad ee Jaamacadda ka qaatay Jaamacadda dawliga ah ee Itoobiya kana bartay Isbarbardhigga Shuruucda dawliga iyo maamul wanaagga ayaa wargeyska Waaberi u sheegay in ay sharciga Itoobiya dambiyo culus ka yihiin arrimaha loo haysto Cabdi Iley iyo xubnaha kale.
“Kiiska Cabdi Iley iyo eedaysanayaasha kaleba waxa kiiskooda gacanta ku haysa maxkamadda sare ee federaaliga ah waxaana dambigaas ku soo oogaya xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee dawladda federaalka ah . Eedda ugu weyn ee ay fayl gareysteen waxay weeye kicin iyo iska hor keen bulsho,” Sidaas ayuu yidhi Garyaqaan Wali.
Waxa uu intaasi ku daray in marka la isla akhriyo eedaha xeer ilaalintu soo jeedisay iyo waxa xeer ciqaabeedka Itoobiya ka yidhi dambiyada noocan ah la adeegsan doono Qodobka 240 gaar ahaan farqadaha 1 (B) iyo 2.
“waxa uu Qodobku sheegaya in qofka si badheedha u kiciya dagaalo madani ah, hubeeya dadka ama ku dhiiri geliya in midiba midka kale hub u qaato waxa lagu ciqaabayaa xadhig u dhexeeya toban illaa shan iyo labaatan sano. Isla qodobkan farqaddiisa (2) waxay sii raacinaysaa in haddii dambiyadaas xagga sare lagu sheegay ay keenaan khasaare ballaadhan ciqaabtu ay noqon doonto xabsi daayin ama dil,” Sidaas ayuu yidhi garyaqaan Wali oo intaasi raaciyay in sida oo kale xeerku sheegayo haddii abaabulka rabshadaha khasaare hantiyeed ka dhasho lala wareegayo hantida dambiilaha.
Ugu dambeyn waxa la filaya in bilawga bisha foodda inagu soo haysta loo fadhiisan doono maxkamadaynta Cabdi Iley iyo xubnaha kale waxaanay arrintani ku soo beegsamaysa xilli xiisad siyaasadeed ka jirto Jigjiga, islamarkaana xukuumadda Mustafe Cagjar ku eedaynayso in xubno taabacsan Cabdi Iley in ay ka dambeeyaan rabshadaha iyo khilaafaadka siyaasadeed.