(SLT-Qudus)-Wasaaradda Caafimaadka ee Maamulka Falastiin ayaa xaqiijisay inay Askarta Yuhuuda ay saaka toogasho ku dileen Gabadh Falastiiniyad ah oo la oran jirey Samaah Saahir Mubaarak oo 16-jir ahayd.
Askarta Yuhuudda ayaa la sheegay inay Gabadhaasi ku toogteen Bar Kontorool oo lagu magacaabo Al-zaayim oo ah dhabaha laga galo dhulalka dadka Yuhuudda sida sharci-darradda loo dejiyey ee Maale Aduumin ee Bariga magaalladda quddus-ta la-haysto.
Afhayeen u hadlay Askarta Yuhuudda ayaa sheegay inay Gabadhaasi toogteen, xilli iyadoo tooreey wata u soo carartay dhanka ay joogeen Askar ku sugnaa Barta Kontoroolka ee Al-zawiim.
Marxuumadda oo ka soo jeeday magaalladda Ramallah ayaa la sheegay inay u geeriyootay dhaawacyadii rasaastii lagu furay.
Dhinaca kale, Askarta Yuhuudda waxay si Ku-meel-gaadh ah u xidheen Barta Kontoroolka ee ay ku dileen gabadhaas da’da yar ee Reer Falastiin.