Connect with us

somalilandtoday.com

“Uganda Waxay Inoo Daadisay Dhiig Badan Ilaa Haddaan Way Inna Garab Taagan Tahay, Ma Aha In Canaanteeda Colaad Loo Arko…” Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan

focus

“Uganda Waxay Inoo Daadisay Dhiig Badan Ilaa Haddaan Way Inna Garab Taagan Tahay, Ma Aha In Canaanteeda Colaad Loo Arko…” Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan

(SLT-Muqdisho)-Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Fowziya Yuusuf Xaaji Aadam ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka digtay in lagu degdego tallaabo ay dowladdu ka qaado dowladaha iyo hey’adaha taageera Soomaaliya.

Fowziya Yuusuf ayaa sheegtay in Uganda ay dhiig badan u daadisay Soomaaliya, illaa iyo hadda garab taagan tahay, sidaas darteedna canaanta Madaxweyne Museveni aan loo arkin colaad.

“Waxaa nasiib darro ah in markale lagu degdego tallaabo laga Qaado hay’adaha ama dawladaha u heellan, taakuladeenna iyo ilaalinta nadgelyadeenna, Uganda waxay inoo daadisay dhiig badan ilaa haddaan way inna garab taagan tahay. Ma aha in canaanteeda colaad loo arko”ayay tidhi Fowziya Yuusuf Xaaji Aadam.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ku tilmaamay hadalka Madaxweyne Museveni inuu ahaa qof iska hadlay, isla markaana Soomaaliya ka jirto dowlad la aqoonsan yahay, waxaana uu xusay ka dowlad ahaan jawaab hoose oo diblomaasiyadeed u diri doonaan.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top