Connect with us

somalilandtoday.com

Dawladda Itoobiya Oo Qunsul Cusub U Magacowday Maamul-gobolleedka Puntland

focus

Dawladda Itoobiya Oo Qunsul Cusub U Magacowday Maamul-gobolleedka Puntland

(SLT-Garoowe)-Madaxweynaha Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Siciid Cabdillaahi Deni ayaa Shalay xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Garoowe ku qaabiley qunsul cusub oo la sheegay inuu Dawladda Itoobiya u fadhiyi doona Magaalada Garoowe, kaasi oo Magaciisa lagu sheegay Jen. Mabratu Waldo Aragay.

Jen. Mabratu ayaa qunsuliyadda Itoobiya ee magaalada Garoowe ka beddelaya qunsulkii hore Asmalaash oo muddo 13 sanno hayey xafiiskaasi.

Madaxweynaha cusub ee Puntland, Siciid Cabdillaahi Deni oo toddobaadkan lagu caleema-saaray magaalada Garoowe ayaa sheegay in Itoobiya iyo Puntland ay yihiin deris, ayna waddaagaan soohdimo muhiima ah, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu hoosta ka xariiqay inay ka go’an tahay dar-dargelinta wada-shaqaynta ka dhaxaysa Itoobiya iyo Puntland, sida lagu sheegay war qoraal ah oo Warbaahinta uu soo gaadhsiiyay xafiiska Madaxweynaha Puntland.

Gabagabadii, qulsulka cusub ee Itoobiya, ayaa ka mahad naqay sida Madaxweynaha Puntland ugu qaabiley xafiiskiisa, waxaana uu qunsulku sheegay in uu dar-dargalinaayo wada shaqaynta Puntland iyo Itoobiya.

Tallaabada Itoobiya Qunsulku ugu Magacowday Maamulka Puntland oo ka mid ah Dalka Soomaaliya, ayaa ah arrin Dad badan su’aal ka qabaan, maaddaama oo Puntland aanay ahayn Maamul ka Madax-bannaan Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, isla-markaana Itoobiya uu Safiir u joogo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Dawladda Federaalka Itoobiya ayaa laba Toddobaad ka hor waxay Safiir cusub u soo Magacowday Jamhuuriyadda Somaliland, kaasi oo hore Itoobiya Safiir uga soo noqday Dalal ay Jabuuti ka mid tahay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top