Connect with us

somalilandtoday.com

Maraykanka Oo Cunaqabateyn Horleh Saaray Waddanka Venezuela

focus

Maraykanka Oo Cunaqabateyn Horleh Saaray Waddanka Venezuela

(SLT-Venezuela)-Dowlada Maraykanka oo cadaadis ku heysa Xukuumada Venezuela ee Nicolas Maduro ayaa sheegtay in la xayiray dhamaan hantida iyo dhaqaalaha shirkada Batroolka ee Venezuela u yaal wadanka Maraykanka.

Dalka Maraykanka ayaa ah suuqa ugu weyn ee la geeyo batroolka laga soo saaro dalka Venezuela, hantida la xayiray ayaa waxaa kamid ah shirkada Citgo ee fadhigeedu yahay Maraykanka midaasi oo hoos timaada shirkada weyn ee batroolka Venezuela Petroleos De Venezuela SA (PDVSA).

Maraykanka ayaa sheegay inuusan aqoonsaneyn xukuumada talada heysa ee Nicolas Maduro iyagoo sheegay inay taageersan yihiin Guddoomiyaha Baarlamaanka Venezuela Juan Guaido oo sheegtay inuu yahay Madaxweyne Kumeel gaar ah, Mr.Guaido ayaa taageersan go’aanka Maraykanka ee xayiraada isagoo sheegay in arrintan ay ka hortageyso in Maduro uu dhaco xoolaha Qaranka Venezuela.

Nicolas Maduro ayaa sheegay in maxkamadaha caalamiga ah la tiigsan doonaan Maraykanka oo uu sheegay inuu usoo bareeray boobka iyo dhaca hantida Venezuela gaar ahaan batroolkooda. Wuxuuna sheegay in farogelinta Maraykanka wado uu keeni doono dhiig daata.

Xukuumada Maraykanka iyo Mucaaridka Venezuela ayaa aaminsan xayiraada la saaray shirkada batroolka inay si gaar ah u taaban doonto Militariga Venezuela oo shirkadaasi dusha ka maamula kuwaasi oo hada ah awooda uu weli ku joogo Nicolas Maduro, iyagoo rajeenaya in militariga lagu cadaadiyo inay taageeraan mucaaridka

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top