Connect with us

somalilandtoday.com

Sacuudiga Oo Sii Daayey Sheekh Mohammed Hussein al-Amoudi Oo Ah Bilyaneer U Dhashay Dalka Itoobiya

focus

Sacuudiga Oo Sii Daayey Sheekh Mohammed Hussein al-Amoudi Oo Ah Bilyaneer U Dhashay Dalka Itoobiya

(SLT-Riyadh)-Dowladda Sacuudiga ayaa xabsiga kasii daysay Sheikh Mohammed Hussein al-Amoudi oo ah bilyaneer u dhashay dalka Itoobiya, kaasi oo bishii November ee 2017 loo xidhay olole ka dhan ah musuq-maasuqa.

Warkan ayaa waxaa xaqiijiyey xafiiska Raysal wasaraaha Itoobiya.

Wakaaladda wararka Reuters oo soo xiganeysa taleefishinka dowladda Ethiopia iyo laba ilo-wareed oo Sacuudiyaan, ayaa sidoo kale sheegtay in Al-Amoudi lasii daayyey.

Ololihii la-dagaalanka musuq maasuqa ee Sacuudiga ay sameeyeen 2017, ayaa waxaa lagu xidhay boqolaal bilyaneero iyo ganacsato, taasi oo ahayd tallaabo uu xukunka ku xajisanayey dhaxal-suge Maxamed Bin Salman.

Dadaallo lagu sii daynayo al-Amoudi ayaa billowday bishii May ee 2018, markii ra’iisul wasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Ahmed uu Bin Salman kula kulmay magaalada Riyadh, ayaga oo ka wada hadlay xoojinta xidhiidhka labada dal iyo maxaabiista u xidhan boqortooyada.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top