Connect with us

somalilandtoday.com

Kenya Oo Qaramada Midoobay Ka Dalbatay In Laga Taageero Howl-galka Ka Dhanka Ah Ururka Al-Shabaab

focus

Kenya Oo Qaramada Midoobay Ka Dalbatay In Laga Taageero Howl-galka Ka Dhanka Ah Ururka Al-Shabaab

(SLT-Nairobi)-Kenya ayaa ku boorrisay Qaramada Midoobay in ay maal-galiso howlgalka la-dagaallanka Al-Shabaab ee Soomaaliya, taasoo xoojineysa ciidammada Soomaalida iyo kuwa Kenya ay helaan awood dheeraad ah oo ay kaga adkaan karaan kooxda AL-shabaab.

Xog-hayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya Ababu Namwamba ayaa sheegay in loo baahan yahay in la xakameeyo khidmooyinka maaliyadeed ee soo gala Kooxaha Argixisadda ah, taasoo badalkeena Qaramada Midoobey looga baahana yahay in ay taageero dhaqaallo ay siiso ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

“Waxaan u baahan in aan ogaano in ay muhiim tahay Xaaladda Soomaliya maanta ay ku sugan iyo awoodeeda dhanka Ciidanka ah, Markaan Qaramada Midoobey waa in ay taageero ay siisaan Soomaaliya si loo helo dadaallo lagu dagallamaayo Argagixisadda” ayuu yidhi Ababu Namwamba

Waxaa uu aad u dhaliilay howlgalka AMISOM oo uu sheegay in uu ka gaabiyay shaqooyinkii loogu tala galay, islamarkaana ay ka fiirsanayaan ciidamada AMISOM dhaqaallaha ay helaan taas badalkeed ay gabeen dagaalka Al-Shabaab.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top