Connect with us

somalilandtoday.com

Beddelkii Maya! W.Q: Faadumo Buuni

Articles

Beddelkii Maya! W.Q: Faadumo Buuni

Xasuustaydu waa mid soo celcelisa inbadan waayahaan isla soo marnay isaga. Haa waxan isla soo marnay waayo’ badan wanaag iyo walbahaarba leh. Calafku waa halkiisee Wayne wuxuu ii dooray isaga dookhaygana wuu noqday dadka wuu iiga duwanaa, waayo waa lammaanahaan nolosha la wadaagi jiray een carruurtan iftiinkayga noqotayna u dhalay. Nolol been iyo ballan burin ku dhisnayn ayaanu ku noolayn muddo badan.

Waa arooryo hore dadku waxay wada tageen shaqadoodii mid kastaa hawshii u taalay ayuu u kallahay. Isaguna sidaas si la mid ah ayuu uga soo jarmaadday gurigiisa si uu u soo guto hawl maalmeedkii u taalay intuu dalka joogay. Carruurtuna ka hor

isaga ayey u baxeen dugsiyadoodii. Hadduu iga sii maqnaa 3 saacaaddood oo toban la’ waxa igu soo dhacay Alleen aan kala go’ lahayn! Si baraadla’ baan u qabtay. “Haloow….Haloow, xaaskii Deeq miyaa?” Ayuu nin aanan codkiisa garanayni igu yidhi. “Haa” Haddaan ugu werceliyeyna, wuxuu ii sheegay in uu Deeq isagoo shaqadiisii ku jira uu Koomo galay oo hadal iyo huguntoona lahayn cisbitaalkana loola cararay.
Naxdin ayaan fadhiistay haddana kacay, wareegay gurigii marba qol baan galaa waxan ka soo qaadayeyna garanwaayey! Shaydaankaan iska naaray haddana Bisinkaa cugsaday. Cid lamaan hadline horaan gaadhiga ka soo kaxaystay. Waddadu cidhiidhi badanaa ma anigaa la i eeganayaa!? Saacad buuxdaan ku soo jiray jidka.

Cisbitaalkii ayaan imi anigoo harraad, daal, naxdini ii dhammaatay. Waan soo dul istaagay, mise waabuu neef tuurayaa! Markeliya ayaan quus qaatay. Waxan isku maaweeliyey in uu Eebbe isaga leeyahay adduunkanna uu keenay noolaysiin karo dilina karo. Waxan go’aansaday in aan u sheego arrinkan dhiillada leh reerkayagii iyo reerkaanu xididka noqonnay. Way i soo gaadheen intii i soo gaadhi karaysay.

Deeq hal maalin ayuu ku jiray cisbitaalka. Eebbe mahaddii koomadii wuu ka soo baxay. Dadka wuu kala garanayaa hase yeeshee awood badan ma laha, shaybaadhkii la mariyey wuxuu sheegay in uu wadne xannuun ku soo booday! hadda se’ wuxuu go’aan ku gaadhay in loo qaado dhinacaa iyo guriga. Anigu waxaan jeclaa in uu ku jiro cisbitaalka hase yeeshee markuu ku adkaystay waxan ku qasbanaa inaan ogolaado. Xummadda haysaa umay ogolaan inuu dhinaca dhulka saaro, fadhiisto ama uu qaato wax cunno ah. Cunno kamay degin cabitaanna hadalkiisa daa! “Jihada ii jeediyaa.” ayuu hadalkiisu ahaa. Waan u adkaysan kari waayey xannuunka uu ku jiro Haddana waxaan isku maaweelinayey inaan rumaysnaado wixii Eebbe keenay ee uu qoray oon marnaba la dhaafayn. Carruutaydana sidaa si la mida ayaan u maaweeliyey.

Haddii aanu baxnaaninnay laba caano maal, tii Eebbaa u timi naftiina way ka baxday. Waanu samirnay kana samirnay isaga. Waayo haddii wax kasta aanu samaynno marnaba ma soo celinkarno isaga. Ballaayadu maalinna ma qaddo, hadba maalinba meelbay dul yuururtaa. Dakharo badanna ku dhufataa. Maantaba waa maalin madow, oo gabal baa u dhacay reerkaygii. Tani waxa marag ka ah madasha la joogo, cidina ka maqnayn. Waxaa loo fadhiyaa waa geeridiisa berrina gogol laabkiisa. Waa gole murugo badani ka muuqato. Waa la maydhay lana aasay isaga xaggii loo badnaana waa la geeyey. Godka loo nuur waa la galbiyey gurigiisii aakhirana waa la geeyey. Eebbe ha u naxariisto.

Hadday ka soo wareegtay 4 billood iyo tobon habeen ganbadiina aan dhigay, odayaal cummaadaysani ha i soo bookhdaan. Waxad mooddaa inay ii tirinayeen intaan ganbada siday! Soo dhawayn ka dib, arrinkay u socdeen ha ii furfuraan.” Duco qabtaad ahayde ma doonayno inaad reerka ka baxdo wanaag badaneey dee waxan doonaynaa maanta inaad Deeqii ku deeqay ee ina wada deeqay walaalkiisii Dahab aad maantaba ooridiisa noqoto oo uu carruurtana u noqdo aabbohoodii labaad dayacnna arki maayaan debadii Degeneey.” Ayey hadalkii iigu furfureen!

Anigoo yaaban ayaan ugu hal celiyey weliba odhaahdooda ka murugaysan, “Waxan ka marag kacayaa in aanay arki doonin dayac, markay arrintani timaado waa mar aan ka dafiray, indhahana ka daboolay dayrkii noloshayda naftaydana u diidday korinta ubadkayga tani se’ dhici mayso. Anigaaba tan naftayda ka ogolaanayn.” Markay arkeen in uu go’aankaygu isbeddel lahayn ayey iska carraabeen iyagoo ii ducaynaya ilayn qasab iguma lahee! Haa wuu dhintay isagu adduunkanna wuu ka tegay balse aniga iyo carruurtaydaba wuu nala noolyahay iyo weliba dadkooda, wadnahaygana wuu ku dhex noolyahay oo wuu warraabiyaa. Jacaylkiisu wuxuu noo ahaa sida; geed ka soo baxay carro si fiican loo warraabiyey lagana saaray wax kastoo sadhaydhsan.

Jacaylkiisu ma aha mid shaashoon doona, shillintana laga guri doono weligii, ma arag anigu intaan noolaa aabbe la mid ah mana arki doono, ma ilaabi doono siduu noo wada jeclaa ma ilaabi doono siduu ubadka iila korin jirin ee uu u koolkoolin jiray marnaba aanuu u dhibsan jirin. Ma ilaabi doono siduu iila shaqayn jiray ee uu iila caawin jiray shaqada guriga, ma ilaabi doono siduu reerkooda iyo kaayagaba u soo dhawayn jiray iskuna xidhi jiray. Ma ilaabi doono siduu ii dhagaysan jiray marka aan u sheekaynayo. Ma ilaabi doono siduu u ilaalin jiray farxaddayda geedkii jacaylka, is taakulaynta, istiirinta, istoosinta ku dhisnaa waa mid ka beeran dhammaan xubnaha jidhkayga. Sayigayga oo keliya muu ahayn waxa kaluu ii ahaa; tusaale tolmoon oo aan ku daydo, walaal wanaaga wehel u ah, saaxiib iga samato bixiya wax waloo sadhaysan. Deeq wuxuu nala joogay muddo ka badnayn saddex billood intuu dalka hooyo joogay. Saddexdaa billood se’ waxay ii ahayd soddon sanno in aanu wada noolayn.

Weligii xanaf ima taabsiin xanaajinna hadalkeeda daa’. Saddexdayda carruur ahi waxay iila mid yihiin soddon ubada. Muu iman jirin weligii isagoo wax cusub noo sida mooyee, ma ilaabi doono siduu ubadka ugu ahaa macallin iyo weliba tabbobare. Hal maalin hadduu naga maqnaado waxay noo ahayd malaayiin maalmood inuu naga maqnaa! Beddelkii, maya! Ma ogoli in aan isaga debedii guursado.

Eebboow jannadaada nagu kulansii dhammaantayo. Amiin….Amiin.

W.Q: Faadumo Buuni

Hargeysa,Somaliland

libaaxo.77@gmail.com

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top