Connect with us

somalilandtoday.com

Qarax Xalay Ka Dhacay Magaalada Nairobi Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

focus

Qarax Xalay Ka Dhacay Magaalada Nairobi Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

(SLT-Nairobi)-Ugu yaraan labo ruux ayaa ku dhaawacantay qarax xalay ka dhacay banaanka maqaayad ku taalla magaalada Nairobi.


Qaraxan ayaa la sheegay inuu ka dhashay waxyaabo qarxa oo la dhigay banaanka Makhaayada Tom Mboya ee ku taalla wadada Latema Road.

Booliska ayaa goobta si deg-deg ah u guuray, iyagoo xidhay goobta uu qaraxa ka dhacay, waxaa socda baadhitaano.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya inay arkayeen nin alaabo ku sii riixaya gaadhi alaabaha lagu qaato oo loo maleynayo in walxaha qarxa lagu qariyay, iyadoo daqiiqado kadibna uu qarxay.

15-kii bishan ayay aheyd markii qaraxyo iyo weerar toos ah oo lagu qaaday Hotelka DusitD2 ee magaalada Nairobi, weerarkaas oo lagu dilay labaatameeyo ruux, iyadoo weerarkaas ay sheegatay Al-Shabaab.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top