Connect with us

somalilandtoday.com

Somaliland Oo Ka Mid Noqotay Dalalka Afrika Ee Internetka Ka Jaray Dadweynahooda

focus

Somaliland Oo Ka Mid Noqotay Dalalka Afrika Ee Internetka Ka Jaray Dadweynahooda

(SLT-Hargeysa)-Warbaahinta Euronews ayaa maanta ku warramay in Dawladaha Afrika qaarkood ay Internetka ka jareen dadweynahooda.
Ilaa 2016kii waxa la diwaangeliyey 371 kiis oo ku wajahan xakameynta Internetka oo intooda badani dhaceen Gu’gii hore 2018.

Waxa lagu macneeyey in dawladuhu u xidheen Internetka sababo ay ka mid yihiin ilaalinta ammaanka qaranka iyo xakameynta baahinta dacaayadaha waxba kama jiraanka ah.
Internet xidhku wuxuu Afrika ka bilaabmay dalka Guinea sannadkii 2007dii oo Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Mr. Lansana Conte, uu goo’yey khadka Internetka.

Euronews wuxuu xaqiijiyey in dalalka Chad, Sierra Leone, Ethiopia, Somaliland, Algeria, Togo, Cameroon, Gambia, Uganda, Gabon, Algeria, Morocco, Lybia, Tunisia, iyo Algeria ay jareen khadkii Internetka xiliyo kala duwan oo iskugu jiray saacado, maalmo iyo billo.

Waxa kaloo jira warbixinta Euronews shaxan muujinaya in:-
2016: Waxa la xidhay internetka 75 jeer.
2017: Waxa xakameeyey internetka 108 jeer.
2018: Internetka waxa la jaray 188 jeer.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top