Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynihii Hore Ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Iyo Xubno Kale Oo La Maxkamadeynayo+ Tirada Dadkii Ka Dambeeyay Rabshadihii Ka Dhacay Jigjiga Oo La Shaaciyay

focus

Madaxweynihii Hore Ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Iyo Xubno Kale Oo La Maxkamadeynayo+ Tirada Dadkii Ka Dambeeyay Rabshadihii Ka Dhacay Jigjiga Oo La Shaaciyay

(SLT-Addis Ababa)-Dacwad-oogayaasha Federalka Itoobiya waxay dacwado ku soo oogi doonaan Madaxaweynihii hore ee Is-maamulka Soomaalida Ethiopia, Cabdi Maxamuud Cumar iyo Tobanaayeo Saraakiil la shaqeyn jirtey, kuwaasi oo lagu eedeynayo inay kicin lahaayeen dagaal sokeeye, isla markaana ay amreen Tacadiyo ay ku jiraan Qoor-goyn, waa sida hadalka loo dhigay.

Cabdi Maxamuud Cumar waxaa la xidhay, kadib, dagaal 3 maalmood ka dhacay caasimadda Ismaamulka Soomaalida Ethiopia ee Jigjiga bishii August ee sannadkii hore.

Xafiiska Xeer-ilaalinta Guud ee Ethiopia ayaa soo saaray War ku aadan in Baadhitaan socday 5 bilood kadib ay go’aamiyeen in Cabdi Mxaamuud Cumar iyo 45 Saraakiil la shaqeyn jirtey oo 40 ka mid ah weli baaxsad yihiin la soo taago Maxkamad.

Agaasimaha Isgaarsiinta ee Xafiiska Xeer ilaalinta Ethiopia, Zinabdu Tunu ayaa u sheegayWeriyayaasha in Maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar geysteen Tacadiyo, iyadoo dad badan nolosha lagu gubay, kuwo surka laga jaray iyo kuwo kale oo la jir-dilay, waa sida uu hadalka u dhigay.

Afhayeenka waxa uu sheegay in 48 qof la dilay, 266 kalena lagu dhaawacay intii ay socdeen iska horimaadyadii Qomiyadda Soomaalida iyo Oramada dhex maray sannadkii hore.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top