Connect with us

somalilandtoday.com

FBI-da Mareykanka Oo Xidhay La-Taliyihii Ololaha Doorashada Ee Trump Donald

focus

FBI-da Mareykanka Oo Xidhay La-Taliyihii Ololaha Doorashada Ee Trump Donald

(SLT-Hargeysa)-Roger Stone, oo la-taliye u ahaa ololaha doorasho ee madaxweyne Trump ayaa waxaa shalay xidhay hay’adda dambi baadhista Mareykanka ee FBI-da.

Stone ayaa waxaa loo xidhay dhowr eedeymo oo la xidhiidha baadhitaanka uu dacwad oogaha gaarka ah ee Mareykanka Robert Mueller ku hayo faro-gelinta Ruushka ay ku sameeyeen doorashadii madaxtinimo ee Mareykanka ka dhacday sanadii 2016.

Wakiilada FBI-da ayaa Stone waxay ay subaxnimadii shalay ku xidheen gobolka ku yaalla Koonfurta Bari ee Mareykanka ee Florida, kadib markii xeer-beegti federal ah ay ku eedeeyeen shan kiis oo la xidhiidha inuu been sheegay iyo laba kiis oo mid uu yahay inuu hor-istaagay cadaalladda iyo midka kale oo ah inuu faro-geliyey marqaati furayaal.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top