(SLT-Garoowe)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaadhay magaalada Garoowe ee caasimadda maamul gobolleedka Puntland.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa lagu soo dhaweeyey Garoonka Jeneraal Maxamed Abshir, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Ku-xigeenkiis, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo masuuliyiin kale oo heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ah.
Dhankiisa, Madaxweynaha maamulk Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha iyo dhammaan wufuud soo ajiibay casumaadda uu u fidiyey.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qayb-galaya xafladda caleemasaarka Madaxweynaha cusub ee Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Kuxigeenkiisa Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash), iyadoona uu kulammo la qaadan doono masuuliyiinta iyo waxgaradka Puntland, Halkan hoose ka DAAWO