Connect with us

somalilandtoday.com

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Shaqo Galinta Oo Tababar U Soo Xidhay Haween Ganacsi Sameeyay .

focus

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Shaqo Galinta Oo Tababar U Soo Xidhay Haween Ganacsi Sameeyay .

Agaasimaha guud ee wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada Maxamed Cilmi Aadan ayaa tababar u soo xidhay 25 haween ah oo ganacsiyo kala duwan ku leh magaalada Hargeysa.

Tababarkan ayaa ujeedadiisu ahayd sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta ay haweenku u leeyihiin ganacsiga iyo sidii ay u samaysan lahaayeen qorshe iyo raasamaal ay ku maamulaan ganacsigooda.

Agaasimaha guud ee wasaarada shaqo gelinta, arimaha bulshada iyo qoyska Maxamed Cilmi Aadan oo ka hadlay xidhitaanka tababarkan ayaa dardaaran u jeediyey haweenka ka qayb galay, waxaanu kula taliyey inay aqoontooda kor u qaadaan isaga oo xusay in wasaarada shaqadu ay diyaar u tahay inay haweenka u abuurto.

ganacsiyo ay horumar ka gaadhaan, waxaanu ku booriyey inaanay isku halayn taageero ay ka helaan hay’addaha.
Agaasimaha barnaamijka shaqo qaran Maxamed Xuseen Cismaan ayaa dhinaciisa kula dardaarmay haweenka tababarku u soo dhamaaday ayaa u soo jeediyey inay ku daydaan haweenka geeska Afrika ee horumarka ka gaadhay ganacsiga.

Maxamuud Jaamac Khayre oo ah madaxda hay’adda Smef ee somaliland oo ka hadlay xidhitaanka tababarkan ayaa waxa uu ka waramay waxyaabaha lagu baray haweenka waxaanu yidhi “Waxa uu ahaa barnaamijkani ahaa laba qaybood kaas oo midna haweenka lagu tababarayey ganacsiga midna xirfada, markaa tababarkani waa qaybtii labaad ka dib markii la ogaaday inay aad u yartahay fursada ay haweenku ka helaan marka tartan loo galayo maalgashiga waxa la go’aansaday in tababarka noocan ah loo qabto kaas oo aqoontooda kor u qaadaya si ay uga qayb galaan fursadaha maalgashiga ee mustaqbalka.”

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top