(SLT-Riyaad) Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday qorshe in badan ay ku howlaneyd oo ahaa in la sameeyo goobo dadka lagu maaweeliyo sida tartamada weyrixinta Dibida ee ka jira dalka Spain, in sare loo qaado sameynta goobaha madadaalada waa tallaabo uu gadhwadeen ka yahay dhaxal sugaha Maxamed Bin Salmaan.
Sacuudiga wuxuu ku rajo weyn yahay inuu bilaabo goobo lagu soo bandhigo tartanka quruxda haweenka iyo tartamada heesaha qoob ka ciyaarka.
Madaxa madadaalada Sucuudiga Turki Al Sheekh ayaa sheegay inuu doonayo in tallaabadan uu ku soo xareeyo balaayin doolar oo dhakhli ah.
Isku dayga ah in Sucuudiga uu noqdo xarunta madadaallada ee gobolka waxaa majaraha u haya dhaxal sugaha dalkaasi Maxamed Bin Salmaan.
Maxamed Bin Salmaan iyo dalkiisaba waxaa soo foodsaartay dhibaato dhanka sumcadda kaddib dilkii weriye Jamaal Khaashuqji, in kasta oo ay beeniyeen arrintaas.
Xilli Talaadadii uu daahfurayay straatiijiyadda madaalada ee xukuumadda Riyaadh, Al Sheekh wuxuu soo hadal qaaday tiro kamid ah waxyaabaha ay doonayaan inay kusoo bandhigaan tartamadaasi.