Connect with us

somalilandtoday.com

Madax Waynaha Somaliland Awood Ma U Leeyahay Inuu Kala Diro Golayaasha Deegaanka Dalka?

Articles

Madax Waynaha Somaliland Awood Ma U Leeyahay Inuu Kala Diro Golayaasha Deegaanka Dalka?

Waxaa Hadal haynta Beryahanba ay Bulshadu aadka u hadalhayaan ee ah Mudo Kordhinta Baarlamanka iyo Golayaasha Deegaanada Dalka ee Mudo Xiloodkoodu Dhamaaday

Sida aad lawada Socotaanba Wuxuu Madax Waynaha JSL Wuxuu Golaha Guurtida u gudbiyey; Warqada Mudo Kordhinta Golaha wakiilada oo qudha halka laga reebay Golayaashii Deegaanka oo Labada Goleba Wakhtigoodu kaga ee kaa Bisha March 2019

0px; font-family: sans-serif; font-size: 11pt; color: black; text-align: justify;”> Hadaba Waa Maxay Sababta Golayaashii deeganka Looga Reebay Mudo Kordhinta?

Sidookale Madax waynuhu Awood Sharci Ma u leeyahay Inuu kala Diro Golayaasha Deegaanada Dalka Hadii Mudado Xiloodkoodu Dhamaado?

Ugu Horayn Markaan eegno Dastuurka JSL iyo Xeerka Doorashooyinka iyo Xeerarka kale ee Wadanku leeyahay Sida Xeerka Ismaamulka Gobolada iyo Degmooyinka ee Xeer Lanbar 23

Majirto Meel ay kagataalo in Madax waynuhu hal mar Kala dirikaro Golayaasha Deegaanada oodhan Marka Mudo Xileedkoodu Dhamaado.

Lkn Xiliga kaliya ee la Kala Dirikaro Gole Deedaan Waa Hadii hadii ay Dhacdo in Degmo Gaar ah oo ay Golaheedaasi ku kaceen Waxyaabaha Sharciyan ka reeban.

TusaaleIsle.

1) Hadii Lagu soo eedooyo Gole Deegaan inay Gudan waayeen Xilkii iyo Waajibaadkii loo igmaday

(2) Hadii ay Bulshadii Soodooratay ee Deganayd Degmadaasi ay ugu yaraan (5,000) Shan kun oo qof iska dii wan galiyaan Maxkamada Gobolka kuna Hor Saxeexaan iyagoo Codsanaaya in la kala diro Golahaasi

(3) Marka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudduhu ku qanco, hubiyana, Xaqiijinta ama ay jabiyeen Shuruudaha ku xusan Qoddobkan ee Sababta kala diridda Golaha Deegaanka, Waxaa uu Wasiirku Awood u leeyahay in uu soo jeediyo kala dirrida Golaha, una gudbiyo Madaxweyanaha oo isaguna udiri doona gudi Xaqiiqo raadin ah leh

Intaa karib Madax waynuhu Marka uu ku Qanco Xaqiiqada ka Soo baxda Wuxuu Awood u leeyahay inuu kala diro golahaasi.

  1. Hadaba Marka la kala diro Golaha Deeganka waxaa soo buuxinaya Kuraasta Banaanaatay Kaydkii Axsaabta Siyaasiga ah oo ku salaysan mid waliba saamigi uu ku lahaa Golihii hore.

Sidaadarteed Hadii Golaha Deegaanka uu Ka dhamaado Mudo Xiloodkoodii
Wuxuunbaa Bedalikara Gole Deegaan oo kale oo Sifo sharci ah lagu soodoortay

Sidookale Meelna kuma Cada in Degreeto lagusoo magacaabikaro Mayiro iyo Ku xigeeno Cusub, iyo Gole Deegaan oo kale.

Ugudanbayn Waxaan Lasoconaa in Goleyaashii Deegaanka ay Mudo Xiloodkoodii uga jadhay wax kayar 2 bilood oo kaliya

Sidookale waxaan wali La shaacin Xiligii laqaban lahaa Doorashadii G.Deegaanada iyo Mudo kordhin loosameeyey toona.

Iyadoo uu wali qabyo yahay oo uu Barlamaanka horyaalo wax ka bedelkii Xeerkii Maamulka Gobilada iyo Degmooyinka ee Xeer 23.

By: Indheer Garad Bashiir Cabdi Xasan

bashiir_cabdi01@hotmail.com

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top