Connect with us

somalilandtoday.com

Kaftanka Maanta , Ha Ii Waabin … W/Q: Ahmed Nour Guruje

Articles

Kaftanka Maanta , Ha Ii Waabin … W/Q: Ahmed Nour Guruje

Sheekaba sheeko ayay keentaye, waxa la yidhi beribaa nin reer miyi ah ayaa adhi keenay meel saylad ah , ka dibna markii adhigii laga iibsaday ayaa ninkii dhawr nin lacag waydiiyeen iyadoo mid waliba magac sheegtay , mid yidhi dilaal baan ahay oo anaa adhiga iibiyey , mid yidhi macal qabad baan ahay oo waan idin caawiyey , mid yidhi dul-joog baan ahaayoo waan idinla la socday iyo mid yidhi gees garaac baan ahayoo dilaalka ayaan iibka ka caawiyey , ka dibna ninki isagoo yaaban ayuu dhawr nin wax u dhiib dhiibay .

Door danbe ayuu hadana ninki soo safrey , dabeeto

markii adhigii uu baabuurka kasoo rogay ayuu neef ka cararay , ka dibna neefkii ayuu ka daba cararay , isagoo neefkii eryayana ayaa nin u waabiyey , dabeeto isagoo ka baqday in uu mar dhaw lacag waydiiyo ayuu yidhi ha ii waabin , adeer ha ii waabin.
Imika waa halka ninkaase , saaka nin aanu saaxiib nahay baa igu yidhi , anagoo maqaaxi wayn fadhina , maqaaladaada hadii aan like saaro waa la igu qabsanayaa , markaa waxaan leeyahay saaxiibkay iyo cid kasta oo qoraalkayga is tidhaahda dhib ayaa idinka soo gaadhaysa ,adeerayaal waa halkii ninkii reer miyiga ahaaye , ha ii waabin ,calashaan like ha ii saarina

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top