Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynaha Dawlad Degaanka Soomaalida Oo Xilkii Ka Qaadey Wasiirkii Warfaafinta, Waa Maxay Sababtu??

focus

Madaxweynaha Dawlad Degaanka Soomaalida Oo Xilkii Ka Qaadey Wasiirkii Warfaafinta, Waa Maxay Sababtu??

(SLT-Jigjiga)-Madaxweynaha dawlad degaanka soomaalida Mustafe Muxumed Cagjar ayaa xilkii ka qaadey wasiirkiisii warfaafinta Guuleed Aw Cali Kaahin.

Xilka qaadistan ayaa lala xidhiidhinayaa khilaafka u dhaxeeya wasiirka maaliyadda dawladda federaalka Itoobiya Axmed Shide iyo madaxweynaha kumeel-gaadhka ah ee degaanka Mustafe Cagjar.


Cabdillaahi Maxamed Mowliid ayaa loo magacaabey wasiirka cusub ee warfaafinta degaanka soomaalida dalka Itoobiya.


“Qof kasta oo ummadda dhibaato u gaystay sharciga ayaa la hor keeni doonaa cidna gorgortan lagalama gali doono” Sidaas waxa yidhi wasiirka cusub ee warfaafinta degaanka Soomaalida Cabdillaahi Maxamed Mowliid.

Madaxweyne Mustafe Cagjar oo xilka loo doortay bishii August ee sanadkii 2018 ayaa waxaa soo food saaray caqabado badan oo ku aadan sidii cadaalad loogu heli lahaa dadka tacadiyada kala kulmay Maamulkii hore ee deegaanka.

Dad badan ayaa walaac ka muujiyay khilaafka siyaasadeed ee soo kala dhex galay dowlad deegaanka Soomaalida iyo dowladda Federaalka Itoobiya.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top