(SLT-Hargeysa)-Shirkadda WhatsApp ayaa ka xadideysa dhammaan macaameesheeda inay halkii fariin dadka la wadaagaan in ka badan shan jeer.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah
dadaallo lagula tacaalayo wararka been-abuurka ah ee lagu baahiyo WhatsApp-ka
iyo bogagga kale ee la xiriira oo ay leedahay shirkadda Facebook.
Facebook ayaa arrintan ka
hirgalisay dalka Hinidya lix bilood ka hor.
Tallaabadan ayaa la qaaday
ka dib markii ay waddankaas ka dhaceen dhowr fal oo dadweynaha ay ku dileen
shakhsiyaad, waxaana soo baxay warar sheegayay in ay falalkaas ka dhasheen
warar been abuur ah oo lagu faafiyay WatsApp-ka.
Illaa iyo haatan, dadka
isticmaaala adeeggan ee ku sugan waddamada kale ayaa isu gudbin karay fariimaha
ilaa 20 jeer.
Sharciyadan cusub ee ay soo
kordhisay shirkada WhatsApp ayaa looga dhawaaqay xaflad ka dhacday caasimadda
Jakarta ee dalka Indonesia.
Dalka Indonesia ayaa waxaa
ka qabsoomaya bisha April ee soo socota doorashooyinka guud.
Shirkada WhatsAp ayaa u
sheegtay BBC-da in go’aankan ay qaadatay kaddib markii “si taxadar
leh” ay u qiimeysay natiijooyinka baaritaan ay ka waday dalkaasi muddo
sannad barkiis ah.
“Xadiditaankan ayaa si
xooggan hoos ugu dhigay fariimaha la isu diri jiray guud ahaan caalaamka,”
ayuu yiri afhayeenka u hadlay WhatsApp.
“Arrintaan ayaa qeyb ka
qaadan doonta in WhatsApp uu xoogga saaro fariimaha gaarka ah. Waxaan sii wadi
doona dhageysiga jawaabaha aan ka heleyno dadka isticmaalo ee macaamiisheenna
ah, muddo ka dibna waxaan raadin doona qaabab cusub oo wax looga qabanayo guud ahaan
isticmaalka adeeggan”.
Saameynta uu ku yeelan karo
ganacsatada
Ganacsatadda Soomaalida ayaa
ka mid ah macaamiisha sida weyn u isticmaala adeegga WhatsApp-ka.
Sidoo kale Cabdirashid
Cismaan, Shirkadaha iibiya gawarida ayaa usoo dira sawiro, isagana dad badan
ayuuna lasii wadaagi jiray.
“In shan fariin oo
kaliya shirkada WhatsApp ay kusoo koobto fariimaha aan la wadaago
macaamiisheyda waa arrin adag”, Ayuu yiri Cabdirashid Cismaan.
“Waxaan ka baqayaa in
culeys badan uu lasoo darso ganacsigeyga maadaama aan inta badan diro fariimo
aad u tiro badan”, ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Fariimaha degdega ah
Ku dhawaad 256 qof ayaa iska
diiwaangelin kara guruub kasta oo WhatsApp ah.
Marka, la sheekeysanayo, hal
qof oo keliya ayaa haatan fariima la gudbiyo lasii wadaagi kara ilaa 1,280 oo
ka mid ah dadka guruubka si ka duwan 5,120 oo qof oo uu horey u awoodey inuu
fariinta u diro.
hase ahaatee wali ma jirto
si loo joojin karo dadka fariimaha helaya in ay u sii diraan fariimahaasi in ka
badan shan mar oo kale.
Xaddiditaankan ayaa imaana
xilli adeegyada shirkadaha WhatsApp iyo Facebook la baarayo dowrka ay ka
qaataan baahinta wararka beenabuurka ah ee baraha bulshada la iskula wadaago.
Toddobaadkii lasoo dhaafay,
shirkadda Facebook ayaa ku dhawaaqday inay xirtay shan boqol oo bogag iyo
koontiyo isugu jiray oo si sharcidarro ah uga qeyb qaadanayay faafinta wararka
beenabuurka ah ee gudaha dalalka bartamaha Yurub, Ukrain iyo dalal kale oo ku
yaallo bariga Yurub.
Waxay sidoo kale ku
dhawaaqday Facebook inay shaqaaleysiisay koox xaqiiqo raadin ah oo fadhigoodu
yahay Britain si sharciga saxda ah ee Facebook loo waafajiyo wax walba oo
baraha bulshada galaya.
Sikastaba ha ahaatee,
adeegsiga xogaha xafidan ee WhatsApp ayaa ka dhigan in fariimaha shirkaddan ay
aqrisan karaan oo keliya dadka loo diro iyo kuwa ay gaaraan fariimuhu, taasi oo
xadideysa awoodda shirkadda ee ah inay ogaato wararka been abuurka ah.
Balse dhammaadka sanadkii
lasoo dhaafay, warbaahinta Indian Press ayaa qortay in dowladdu ay ka
fakareysay inay isbeddel ku sameyso sharcigan kaasi oo ku qasbaya Facebook iyo
WhatsAp in lagula xisaabtamo waxyaabaha “sharcidarada ah” ee la
baahiyo.
Tallaabadan ayaana haddii la
hirgaliyo waxay caqabad ku noqoneysa xuquuqdeeda gaarka ah ee xafidnaanta
xogaha khaaska ah.