Connect with us

somalilandtoday.com

Sarkiisha Muslimiinta Ah Oo La Sheegay Inay Badi Ka Baxeen Ciidamadda Millatariga KENYA .

advertise

Sarkiisha Muslimiinta Ah Oo La Sheegay Inay Badi Ka Baxeen Ciidamadda Millatariga KENYA .

(SLT-Nairobi ) Shantii sano ee la soo dhaafay boqolaal ka mid ahaa Askarta iyo Saraakiisha Muslimiinta ah ee ku jira Ciidanka Difaaca Kenya ee KDF ayaa isaga baxay Ciidamada dalkaas.

Wargeyska The Star oo maqaalkan qoray ayaa sheegay in Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Wasaaradda amniga ay qabteen warqadaha is casilaadda Saraakiisha iyo codsiyada Askarta kale ee ka baxaya Ciidamada.

Askartan ayaa ku doodaya in ay walaac ka qabaan habka ay ula dhaqmaan taliyayaasha ugu sarreeya Ciidamada Kenya xilliyada howlgallada.

Mid ka mid ah saraakiisha is casishay ayaa u sheegay The Star in sababta uu isku casilay tahay kaddib markii ay aamini waayeen Saraakiisha kaga sarreysa Ciidanka.

Waxaa uu xusay in Askarta iyo Saraakiisha Muslimiinta ah ee ku jira Ciidanka Difaaca Kenya loo diro Gobolka Waqooyi Bari, Sohdinta Soomaaliya iyo goobaha kale ee ay ku xooggan yihiin Al-shabaab.

Waxyaabaha kale ee ay uga baxayaan ciidanka ay ku sheegeen in ciidanka gudahiisa aan si wanaagsan loola dhaqmin, laguna shaabadeeyo argagixiso,mushaarkooda oo aysan u helin sida ay u helaan Ciidanka kale iyo habka ku dhex noolaanshaha askarta kale oo ku adkaatay.

Mid ka mid ah saraakiishan isaga baxay Ciidanka Kenya ayaa u sheegay The Star “ hadda ka hor aniga iyo afar saaxibadey ah ayaa naloo diray Magaalo ku taalla sohdinta si aan uga saarno Al-shabab, waxaa nalooga wacay Nairobi, sababta nalooma sheegin,mar dambe ayaan ogaannay in nalaga shakiyay inaan howlgalkaas si wanaagsan u qabanin”.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga gudaha Kenya Njoka Mwenda, ayuu wargeyska wax ka waydiiyay arrintan, waxaase uu codsaday in arrinta ay xasaasi tahay islamarkaana waqti dheer la siiyo si uu uga jawaabo.

Afhayeenka Ciidanka Difaaca Kenya David Obonyo iyo Taliyaha Booliska Isaiah Osugo ayaa diiday in ay ka jawaabaan wicitaannada The Star.

Talaadadii la soo dhaafay Sarkaal ka tirsan Ciidanka difaaca Kenya uu ku sugnaa saldhigga deegaanka Embu ,ayaa waxaa xiray ciidanka la dagaallanka argagixisada ee Kenya, waxaa uu ka mid yahay Saraakiisha Muslimiinta ah ee ku jirta KDF.

Saraakiisha Muslimiinta ah qaarkood ayaa lagu tuhmayaa in ay Al-Shabaab u gudbiyaan siraha dhinaca Sirdoonka ah ee Dowladda.

Waxaa kale oo intaas u dheer marka ay Saraakiisha Ciidanka ku wareejiyaan warqadaha is casilaadda una sababeeyaan,waxaa loogu jawaabayaa in ay doonayaan in ay ku biirayaan Al-shabaab, sababtaasna ay uga baxayaan Ciidanka.

Kaddib weerarkii Ceelcadde ee 15kii January , mid ka mid ahaa saraakiisha Ciidanka ee xerada joogtay oo Soomaali ahaa ayaa lagu eedeeyay in uu Al-shabaab u fududeeyay weerarkaas oo sababay dhimashada Askar ka badan 200 Qof.

Mid ka mid ah Saraakiisha ka baxay Ciidanka Kenya ee uu wareystay Wargeyska The Star ayaa yiri “Inteenna badan waxaan joognaa furumaha dagaalka, waxaan ka shaqeynaa meelaha ugu halista badan, sida Soomaaliya, laakiin waxaa nalooga shakiyaa inaan xiriir la leenahay argagixisada, tani uma wanaagsana taliyayaasha, Masaajidda ku yaalla xeryaha Milatariga aad ayaa loo dabagalaa,waxaa lala socdaa casharrada, sidoo kale macallimiinta ayaa dabagal lagu hayaa, dhaqankan oo kale waxaa uu waxyeelayaa danaha Qaranka”.ayuu yiri.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in advertise

To Top