Connect with us

somalilandtoday.com

Mucaaradka Zimbabwe Oo Ka Cabanaya Olole Lagu Ugaadhsanayo Oo Kaga Imanaya Dowladda

focus

Mucaaradka Zimbabwe Oo Ka Cabanaya Olole Lagu Ugaadhsanayo Oo Kaga Imanaya Dowladda

(SLT-Zimbabwe)-Mucaaradka dalka Zimbabwe ayaa ka cabanaya olole lagu ugaarsanayo, iyadoo dalkaasi ay ka socdaan dibaxbaxyo looga cabanayo qiimaha shidaalka oo sare u kacay.

Hoggaamiyaha MDC, Nelson Chamisa ayaa sheegay in ciidammada ammaanka ay guryahooda ku weerareen qoysas, xisbiga ayaa sidoo kale sheegaya in shan ka tirsan xildhibaannadiisa la xidhay.

Midowga ganacsiga ee ku baaqay dibad baxyada ayaa sheegay in hoggaamiyahooda Japhet Moyo sidoo kale la xidhay.

Dowladda ayaa ku eedeyneysa mucaaradka inay dibad baxyada dhaqaale u adeegsanayaan si ay hadhow isugu beddelaan kuwo rabshado wata isla markaana ay la wareegaan xukunka dalkaasi.

Xukuumadda Zimbabwe ayaa waxaa iska cad in ay la daalaa dhacayso dhibaatada dhaqaale iyo qiimaha maciishada oo aad u sareysa.

Cadaadiska lagu hayo mucaaradka ayaa waxaa looga gol leeyahay in lagu joojiyo in shacabka dalkaasi aysan caroodooda wadooyiinka la soo aadin.

Dowladda ayaa ku soo jeedsatay xisbiga mucaaradka ee MDC oo iyagu sheegay in la xiray 5 xildhibaan halka xubno kalana ay dhuumaalaysi ku jiraan oo lagu raad-joogo.

Saraakiisha MDC ayaa waxay sheegeen in dad badan ay si xun u jirdileen ciidamada ammaanka.

Beatrice Mtetwa, oo ah qareen u dhaqdhaqaaqda xuquuqda aadanaha ayaa BBC u sheegtay in ay waqti dheer qaadanayso in xisbiga Zanu PF ay ka tagaan dhaqanka ku salaysan cadaadiska.

Balse gudoomiyaha xisbiga Zanu PF – Simon Khaya-Moyo – oo BBC la hadlay ayaa dhankiisa beeniyay eedeeynta ah in dowladda madaxwayne Mnangagwa aysan waxba ka duwaneyn xukuunkii Robert Mugabe

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top