Connect with us

somalilandtoday.com

Faanku Ma Cudurbaa Mise Waa Kalsooni La’aan Ku Habsata Aadamaha

Articles

Faanku Ma Cudurbaa Mise Waa Kalsooni La’aan Ku Habsata Aadamaha

Faanku waa xanuun ku abuurma aadamaha marka ay gaadhaan marxalad ayna ku kalsoonayn naftooda oo ay is leeyihiin ama is bidayaan aqoon , masab siyaasiya iyo hanti ay aaminsanyihiin in dadka facooga ah ay dheeryihiin. Walaw xeel dheerayaasha ku takhakhusay cilmiga aadamaha ay rumaysan yihiin in faanku yahay cudur asiiba shaqsiga oo bulshada ka soo dhex saara, halka isagu sharaf iyo wanaag u arkaayo hebel/heblaayo ayaa waxaasi sameeyey wuxuna jecelyahay in waxkasta kaw ka noqdo hadii uu waayana ka cadhoodo fagaaraha u ku suganyahay.

Markasta qofka waxaa qalbigiisa ku jira waa lagu yasayaa ama lagu eryanayaa wuxuuna inta badan isku dayaa is dufaac badan iyo in

aragtida bulshada uu la dhaqanyahay in gabi ahaanba ay khaldantahay inkastoo taasi badalkeeda ku doodaayo waxaan ahay shaqsi indheer garad ah oo ka hooreeya deegaankiisa lakiin waxaa badan xaasidkayga iyo inta xumaantayda jecel waan waxyaabaha shaydaanka iyo naftu dhagihiisa kaga soo tuurayaan si ay ugu fogaato is cajabintu, waxayna xaqiiqdu tahay in qofkaasi yahay kan ugu liita aduunyada ee aan ogayn waayihiisa .
Geesta kale somaalidu waxay tiraabeen ama ay sifeeyeen shaqsiyada aadamaha waxay yidhaahdeen qofka wanaagiisu wuxu soo baxa marka uu la kulmo sedex marxaladood oo nolosha u muhiima hadii iinsaanku ka dabaasho wuxuu ku helaa sharaf iyo qadarin.

Hadaba waxaan yara dul istaagi doonaa qodobadan aniga oo ka eegaaya dhinaca wanaagsan ee diinteena suuban iyo sidu dhqankeenu faanka ama istusnimada inooga reebay.

Diinteenu waxay inooga digaysaa isla waynaanta , kibirka , faanka badan ama istusnimada iyo is qaad,qaadka aan ku salaysnayn xaqiiqda iyada oo geesta kale inagu dhiiri galinaysa in aan noqono dad mutadawiciin ah oo markasta wixii wanaag ah dulka isku dhigno halka xaqana aan ku fara adaygayno waana muhiimada la doonaayo in aan cudurkan kaga fogaano inkasto somalidu ku maah maahdo qofka waxaa la ogaadaa dadnimadiisa marka uu la kulmo wakhtiyadan kala duwan:

· Marka uu hayo xil.

· Marka uu hayo maal/xoolo.

· Marka uu guursado/xaaslay noqdo.

Aadamaha waxaa go,aamiya shaqsiyadiisa sedexdan arimood oo marka uu xilka hayo qofku wuxuu noqodaa laba mid uun, in yahay qofk darajada uu hayaa ka dhexsaarin bulshadiisii ay wada noolaayeen wakhtiyadii shaqo la,aantu haysay ama xilka ayaa la noqda wax wayn oo wuxu ka dhex baxaa dadkiis hore halka marka uu xoolo ama maaal helana qofku noqdo mid allah ugu xamdi naqa oo wixii allah swt ku waajibiyey ka bixiya xoolahiisa kuna gar-gaara qaraabadiisa iyo bulshadiisa danyarta ah.

Marxalada sedexaad ee ugu danbaysaa waa marka uu qofku guursado wuxuu noqdaa shaqsi wanaagsan oo isku soo jiida xidiidkiisa iyo xigaalkiisaba ama wuxu ku fashilmaa masuuliyadii u qaaday .

Guntii iyo gaba-gabadii faanku waa xanuun ama cudur dawadiisu ay dhib yartahay waxaana haboon in aan ka fogaano.

Qore: Ahmednur Maxamuud.

Email: Ahmedkhalif004@gmail.com

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top