(SLT-Khartoum)Boqolaal kamid ah shacabka reer Suudaan ayaa mar kale dibadbaxyo ka dhigay magaalada Omudurman kaddib markii qof dibadbaxayay oo dhawaan dhaawacii soo gaaray uu u geeriyooday.
Sudanese demonstrators burn tyres as they participate in anti-government protests in Omdurman, Khartoum, Sudan January 20, 2019. REUTERS/Mohamed Nureldin Abdallah
Dalka Suudaan waxaa ka taagan dhibaato dhaqaale kadib markii qiimaha maciishadda ay sare u kacday gaar ahaan cunnada iyo dawooyinka.
Dadka banaanbaxayay ayaa codsanaya inuu xilka ka dego madaxweyne Cumar Al Bashiir.
Ugu yaraan 26 qof ayaa ku dhintay dibadbaxyada ka socda Suudaan, madaxweyne Al Bashiir wuxuu sheegay in uusan xilka ka degi doonin balse uu xallinayo dhibaatada ka taagan dalkaasi.