Connect with us

somalilandtoday.com

Sawir Laga Qaaday Maal-qabeenka Bil Gates Oo Cunto Saf Ugu Jira Oo Bulshada Adduunka Soo Jiitay

focus

Sawir Laga Qaaday Maal-qabeenka Bil Gates Oo Cunto Saf Ugu Jira Oo Bulshada Adduunka Soo Jiitay

(SLT-Seattle)-Maalqabeenka caanka ah ee Bill Gates oo ah maal-qabeenka labaad ee uu hantida badan Dunida ayaa waxa laga qaaday Sawir xili uu ku jiray Kuyuu isla-markaana uu wax ka iibsanayay Maqaaxi lagu iibiyo Humburger-ka iyo cuntooyinka fudud oo ku taala Magaalada Seattle ee Dalkaasi Maraykanka.

Arrinta sababtay in Sawirkaasi la qaadaa dhigo ayaa waxa ay tahay in maal-qabeenka hantida u haysto lagu qiyaaso 95.5 Billion oo Dollar uu wax ka iibsanyay maqaaxi ay dadka caadiga ah ee dakhligoogu dhexdhexaadka yahay ay wax ka cunaan uu ka iibsanayay Humberger uu cuno, isagoo kuyuu u galay iibsiga cuntadaasi, isla-markaana sugayey Dadka ka horreeyay intay iibsanayaan Cuntadaasi.

Sida lagu baahiyay Wargeyska Daily Mail Qiimaha Humbergarkaasi ayaa waxa uu ahaa 7.68$ oo kaliya waxa aanu ka iibsanyay maqaaxida magaceeda la yidhaahdo Dick’s Drive In. Dad aad u tira badan ayaa waxa ay u bogeen nolosha fudud ee uu ku nool yahay Bill Gates iyo sida aanu ugu kibrin hantidiisa isla-markaana uu uga duwan yahay sida maalqabeenada qaarkood ee mar kaliya kumanaan kun oo Dollar ku bixiya cunto yar oo fudud.

Sawirkan ayaa waxa ugu horayn ku baahiyay baraha bulshada nin magaciisa la yidhaahdo Mike Gallus oo hore ugu shaqayn jiray Shirkadda Microsoft ee Bil Gates aasaasay, waxa aanu ku hambalyeeyay Bill Gates sida wanaagsan oo aanu ugu kibrin hantidiisa.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top