Connect with us

somalilandtoday.com

Qaramada Midoobay Oo Ku Dhawaaqday Inay Malayiin Dollar Ku Caawinayaan Dalka Soomaliya

focus

Qaramada Midoobay Oo Ku Dhawaaqday Inay Malayiin Dollar Ku Caawinayaan Dalka Soomaliya


(SLT-Washington)Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha gargaarka ee waddanka ka shaqeeya ayaa isla falanqeeyay Qorshaha ka Falcelinta Baahiyaha Bini’aadamnimado ee dalka kajira sanadka 2019.

Dowlada Soomaaliya iyo Hay’adaha qaabilsan gargaarka ayaa labadaba isla gartay baahida loo qabo deeq degdeg ah si howlaha gurmadka loo sii wado.

Qorshahan ayaa dowlada Soomaaliya waxa ay ku codsatay 1.08 bilyan oo doolar si caawinaad naf-badbaadis ah iyo kaalmo dhanka hab nololeedka ah loo gaarsiiyo 3.4 milyan oo ah dad ay saameeyeen colaado, is bedello dhanka cimilada ah iyo barakac.

Horumarka laga gaaray dhanka sugnaanta cuntada kadib xilli roobaadkii Gu-ga ee 2018 oo si wanaagsan u da’ay iyo gargaarka bini’aadamnimada ee 2018 oo la joogteeyay waxaa ka dhalatay in tirada dadka u baahan kaalmo bini’aadamnimo uu hoos uga soo dahco 6.2 milyan oo qof oo uu usoo dego 4.2 milyan oo qof, hoos u dhacan ayaa u dhigma boqolkiiba %32.

Si kastaba ha ahaatee, colaado soo noqnoqday, isbedel ku yimid cimilada iyo deegaanka dartood waxaa laga cabsi qabaa in horumarkaas uu dib udhac ku yimaado. Intaas waxaa wehliya, baahiyaha bini’aadamnimadu waxay weli ka sarreeyaan halkii ay joogeen laba sano ka hor intii aysan bilaaban mashaqooyinka bini’aadamnimada la xiriira.

In ka badan 1.5 milyan oo qof oo u badan barakacayaal iyo reer miyi ayaa wajahaya xaalad cunta yari oo aad u adag waxayna u baahanyihiin kaalmo aan soo daahin si naftooda loo caymiyo. Nafaqa darradu aad ayay u sarreysaa guud ahaan waddanka. In ka badan 2.6 milyan oo qof ayaa gudaha dalka ku barakacsan oo ku nool duruufo aad u adag. Dadkani aad ayay u nugulyihiin waxayna u baahanyihiin adeegyada aasaasiga ah iyo daryeel.

Wasiirka wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka xukuumadda Federaalka ah ayaa uga mahadceliyay hawsha ay hay’adaha gargaarka dalka ka hayaan isagoona dhanka kale waydiistay in ay sii laba laabaan caawinaada ay siiyaan Soomaaliya si looga gudbo caqabadaha ku gadaaman horumarka dalka.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top