Connect with us

somalilandtoday.com

Ciidamadda Kenya Oo Burburiyay Xarun Sherkada Isgaadhsiinta HORMUUD Ku Lahayd Gobolka Jubadda Hoose Ee Dalka Soomaliya

advertise

Ciidamadda Kenya Oo Burburiyay Xarun Sherkada Isgaadhsiinta HORMUUD Ku Lahayd Gobolka Jubadda Hoose Ee Dalka Soomaliya


(SLT-Jubadda-Hoos)Wararka ka imaanaya Gobolka Jubadahoose ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay xalay gubeen xaruntii shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee deegaanka Dhuyac–Garoon oo ka tirsan degmada Salagle ee gobolka Jubbada Hoose.

Qof ka tirsan shaqaalaha shirkadda oo waqtigaa ku sugnaa xarunta ayaa la sheegay in ay ciidamadu dibedda uga saareen kaddibna halkaa ku bur buriyeen Dhismihii, agabkii yeelay iyo Anteennadii shirkadda intaba, ciidamada ayaa bur burinta xarunta u adeegsaday Miino ama walxaha qarxa.

Xarunta ayaa qeyb ka ah xarumihii dhawaan hawadda ka baxay markii sidan oo kale loo gubay xaruntii Isgaarsiinta ee deegaanka Calibuley.

Waxaa hawadda ka maqan oo aan shaqeyn sida lagu soo waramayo qeybo ka mid ah deegaannada gobollada Jubbooyinka iyo Gedo oo xidhiidhka isgaadhsiinta ka qaadan jiray xarumaha la bur buriyay waxaana Deegaannadaasi ka mid ah: Calibuley, Diif, Dhuyac-garoon, Geriley Khadiijo Xaaji, Ceelbaande iyo Dhamase oo ka kala tirsan Gobollada Gedo iyo jubbada Hoose.

Lix maalmood ka hor ayeey aheyd markii sidan oo kale ciidamada Kenya u bur buriyeen xaruntii Isgaarsiinta shirkadda Hormuud ee deegaanka Calibuley, waxaana hawadda ka maqan Isgaarsiinta qeybo ka mid ah deegaanno hoos taga Ceelwaaq ilaa Dhoobley, waxaana marka laga soo tago isticmaalka isgaarsiinta dadku u adeegsan jireen isku gudbinta lacagaha EVC Plus

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubaland oo la xiriira tacaddiyadan ay geysanayaan ciidanka kenya oo qeyb ka Ciidanka Nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in advertise

To Top