Connect with us

somalilandtoday.com

Shan Qof Oo Loo Xidhay Weerarkii Nairobi Iyo Magaca Ninkii Isku Qarxiyay Hotel Dusit Oo La Shaaciyay

focus

Shan Qof Oo Loo Xidhay Weerarkii Nairobi Iyo Magaca Ninkii Isku Qarxiyay Hotel Dusit Oo La Shaaciyay

(SLT-Nairobi)-Booliska Kenya ayaa aqoonsaday mid ka mid ah raggii isku qarxiyay weerarkii Talaadadii la soo dhaafay lagu qaaday Hotelka DusitD2 ee magaalada Nairobi, iyadoo Maxkamad la soo taagay shan ruux oo lala xidhiidhayo weerarkaas.


Ninka isku qarxiyay gudaha DusitD2 ayaa magaciisa lagu sheegay Mahir Khalid, kaasoo ka soo jeeda magaalada Mombasa, waxaa la sheegay inuu ka tirsanaa Guutada loo yaqaano Jaysh Ayman ee ka dagaalanta Keymaha Boni ee Gobolka Xeebta Kenya.

Muuqaal laga arkayay Kaamirada CCTV ayaa muujinayay ninkan oo taleefan ku hadlayay, dabadeedka isku hor qarxiyay maqaayad ku dhex taal DusitD2, ka hor inta aanu is qarxin waxaa uu ku hadlayay taleefan.

Shan ruux oo lala xiriirinayo weerarka Nairobi ayaa maalintii u horeysay Maxkamad la soo taagay, waxaana magacyadooda soo bandhigay dacwad oogaha dalka Kenya.

Ragga la qabtay oo shan ahaa ayaa qaarkood ahaa Taksiilayaal meelo kala duwan geeyay kooxdii weerarka fulisay iyo rag la macaamilay.

Mid ka mid ah shanta ruux oo heysta dhalashada Canada ayaa la sheegay inuu xiriir la lahaa kooxdii weerarka fulisay, waxaana magaciisa lagu sheegay C/xakiim Mohamed Guled.

Afarta kale ayaa ahaa Kenyan, waxaa labo ka mid ah ay ahaayeen Taksiilayaal, halka mid ay qabatay Kaamiro, isagoo la kulmay mid ka mid ah raggii weerarka fuliyay 8-dii bishan Janaayo, halka midka kale uu lacago u diray ragga wax weeraray.

Magacyada shanta ruux ee Maxkamadda la soo taagay ayaa waxay kala yihiin:-

1.Joel Ng’ang’a Wainaina

2.Oliver Kanyago Muthee

3.Gladys Kaari Justus

4.Abdihakim Mohamed Guleid

5.Osman Ibrahim

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top