Connect with us

somalilandtoday.com

Sarkaal Dilay Xaaskiisii Oo La Xukumay

focus

Sarkaal Dilay Xaaskiisii Oo La Xukumay

(SLT-Muqdisho)-Xidigle NISA Maxamed Cabdiraxmaan Cali ayaa loo heystaa dilka Marxuumad Sacdiyo Khaliif Faarax oo aheyd Xaaskiisii hore, dilkaas oo ka dhacay degmada Yaaqshiid taariikhdu markey aheyd 19-12 sanadkii tegay.

Xidigle NISA Maxamed Cabdiraxmaan Cali iyo Marxuumad Sacdiyo Khaliif Faarax ayaa horey u ahaa qoys balse mar dambe ayay kala tageen, wixii xilligaas ka dambeeyay ayay u baxday dhankaas iyo Doolow oo u deganaa ehelkeeda.

Muddo kadib ayay soo noqotay waxa ayna guursatay nin kale, Xidigle NISA Maxamed Cabdiraxmaan Cali ayaa isna dadaal ugu jiray sidii uu markale u heli lahaa xaaskiisii hore, waxa uu isticmaalay xeelado kala duwan oo ku heli karo markale, waxa uuna ogaaday in ay reer kale leedahay.

Halkii ay daganeyd ayuu ugu tegay isagoo isku dayay in uu xoog ku soo kaxeysto balse dadka deegaanka iyo ninkii qabay ayaa ku soo baxay, waxa uuna go’aansaday in uu dhaafiyo nolosha isagoo ku dilay Toorey (Mindi).

Ciidamada Amniga degmada Yaaqshiid ayaa isla xilligaas oo aheyd habeen soo qabtay eedeysanaha, waxa ayna ku wareejiyeen Hey’adda baadhista dambiyada ee CID.

Baadhistooda kadib ayay ku soo wareejiyeen 23 bishaas Xafiiska Xeer-Ilaalinta, waxa ayna codsadeen Xeer-Ilaalinta in loo gudbiyo xabsiga dhexe si loo soo dhameystiro cadeymaha dambi ee lagu soo eedeeyay Xidigle NISA Maxamed Cabdiraxmaan Cali.

Muddo kadib ayay codsadeen xafiiska Xeer-ilaalinta 5- bishan aynu ku jirno, waxa ayna shan cisha kadib lagu ballamay fadhiga Maxkamadda.

Xafiiska Xeer-Ilaalinta ayaa hor keenay fadhiga Maxkamadda Qiraalka eedeysanaha, markhaatiyaal sedax shaqsi ah oo goob joog u ahaa dhacdada, Sawirka Marxuumka, Warqadda Dhakhtarka ee cadeyneysa dhimashada.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top