Connect with us

somalilandtoday.com

Ilhan Cumar Oo Ka Mid Noqotay Guddiga Arrimaha Dibadda Ee Kongresska Maraykanka

focus

Ilhan Cumar Oo Ka Mid Noqotay Guddiga Arrimaha Dibadda Ee Kongresska Maraykanka

(SLT-Washington)-Ilhan Cumar oo ka mid ah aqalka Kongresska dalka Maraykanka ayaa loo doortay inay xubin ka noqoto guddiga u qaabilsan arrimaha dibada Kongresska dalka Maraykanka.

Afhayeenka Kongresska Nancy Pelosi ayaa u dooratay Ilhan xubinimada iyadoo weliba ka mid ah xubnaha ku cusub Kongresska Maraykanka.

Magacaabida loo magacaabay Ilhan Cumar inay ka mid noqoto xubnaha Guddiga Arrimaha Dibada ee Aqalka Kongresska ayaa waxaa aad uga naxay maamulka Israel oo u arka in Ilhan ay tahay qof dhuunta u geli karta siyaasada Israel ee dalka Maraykanka.

Wargeyska The Times Of Israel ayaa daabacay in ay Ilhan hore looga soo xigtey ereyo ay ku cambaareyneyso Yuhuuda ayna tahay qof dhibaato ku noqon karta xiriirka Israel iyo Maraykanka.

Guddiga Arrimaha Dibadda Aqalka Kongresska ayaa ah mid awood ballaaran leh waxana uu dusha kala socdaa dhamaan gargaarka dibada ee dowlada Maraykanku bixiso,ammaanka qaranka ee saameynta ku leh siyaasadda dibadda,heshiisyada,nabad ilalaalinta iyo wadamada awoodda leh ee dunida.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top