Connect with us

somalilandtoday.com

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dalka Turkiga Oo Booqasho Ku Tagaya Magaalada Muqdisho

focus

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dalka Turkiga Oo Booqasho Ku Tagaya Magaalada Muqdisho

(SLT-Ankara)-Wasiirka arrimaha gudaha Turkiga Suleyman Soylu, ayaa aqbalay casuumaadda uu u fidiyay Wasiirka amniga ee Soomaaliya, waxaana uu sheegay in dhamaadka bisha March ama billowga bisha April uu imaan doono Muqdisho.


Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuuakar Islow (Ducaale) iyo Suleyman Soylu oo ah Wasiirka Arrimaha gudaha dalka Turkiga ayaa ku kulmay magaalada Ankara.

Kulanka labada Wasiir waxaa diirada lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga iyo hubinta heshiisyadii hore u dhexmaray labada dowladood.

Wasiir Islow ayaa Suleyman Soylu u fidiyay casuumaad la xidhiidha inuu booqasho ku yimaado magaalada Muqdisho, isagoo balanqaaday inuu iman doono Somaliya.

Wasiirka arrimaha gudaha Turkiga ayaa sheegay in xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya uu dhaafsiisanyahay diblomaasiyad, Isagoo ku sifeeyay Shacabka Soomaliyeed kuwo u damqada Dowladda iyo Shacabka Turkiga.

Maxamed Abuukar Islow ayaa sheegay in shacabka Soomaaliya ay diyaar u yihiin in ay garab istaagaan shacabka Turkiga maalinta ay timaaddo middii ay Soomaaliya ku garab istaageen oo kale.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top