Connect with us

somalilandtoday.com

Xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Oo Soo Qaban-qaabiyay Barnaamijka Nafaqada Hooyada Iyo Dhalaanka

focus

Xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Oo Soo Qaban-qaabiyay Barnaamijka Nafaqada Hooyada Iyo Dhalaanka

(SLT-Hargeysa)-Madaxweyneku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)ayaa maanta furay barnaamijka nafaqadda hooyadda iyo dhalaanka oo ay qayb ka noqonayaan ururdda aan dawliga ahayn ee Somaliland.


Barnaamijkani oo hoos yimaadda xafiiska Madaxweyneku-xigeenka Somaliland ayaa waxa warbixin ka bixiyay madaxa barnaamijkaasi u qaabilsan xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka Dr.Sakare waxaana kamid ahaa hadaladiisii “Barnaamijkani waxa uu noqon doonaa mid taxane ah oo aanu ku kalano hay’addaha iyo wasaaradaha ay hawshani qusayso, waxa aanu xil-weyn iska saaraynaa nafaqadda hooyadda iyo dhalaanka iyo sidii aynu usoo celin lahayn cunto dhaqameed-deenii qiimaha lahayd, waxaan halkan uga mahad celinaynaa hay’adaha ku bahoobay barnaamijkani, inshalaah waxaanu qaban doonaa kulan noocan oo kale ahna ganacsatadda iyo waax-yaha waaweyn ee dalka”ayuu yidhi Dr. Sakariye.
Marwo Amaal, Dr.Adna Aadan Ismaaciil,Wasiirka Beeraha Somaliland,Wasiir ku-xigeenadda wasaaradaha Waxbarashadda, Caafimaadka qorshaynta iyo sarkaal u hadlay hay’adda UNICEF ayaa dhamaantood ballan qaaday in ay doorkooda ka qaadan doonaan barnaamijkani.


Madaxweyneku-xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo halkaasi khudabd ka jeediyay ayaa sharaxay faa’idooyinka uu barnaamijkani u leeyahay qaranka, waxaanu xusay madaxweyne ku-xigeenku in xukuumadu laban-laabi doonto taageeradeeda dhaqaale ee kor-u qaadisata cunto tayo leh oo dalka kasoo baxda waxaanu yidhi “Barnaamijkani waa barmaaij weyn oo waxtar leh,waa barnaamij ay ku bahoobeen dawladda iyo hay’addo badan oo caalami ahi,waxaan aaminsanahay in uu wax weyn ka badali doono cuntooyinkeenii aynu isticmaali jirnay daryeelka dadku waa waajibaadka dawladda annaguna waanu dadaalaynaa”ayuu yidhi Madaxweyneku-xigeenka Somaliland.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top