Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynaha Dalka KENYA Oo Xaqiijiyay In La Soo Afjaray Weerarkii Al-shabaab Ku Qaaday Huteelka DusitD2+SAWIRRO

advertise

Madaxweynaha Dalka KENYA Oo Xaqiijiyay In La Soo Afjaray Weerarkii Al-shabaab Ku Qaaday Huteelka DusitD2+SAWIRRO

(SLT-Nairobi)Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo saaka la hadlay shacabkiisa ayaa sheegay in lasoo afjaray hawlgalkii shalay gelinkii danbe bilowday kadib markii koox hubeysan oo ka tirsan Al Shabaab ay gudaha u galeen Hotelka DusitD2 oo kamid kuwa ugu waaweyn ee magaalada Nairobi ku yaal.

Khasaaraha ayaa illaa iyo hada la sheegayaa in tirada dhimashada gaareyso 15 qof oo shacab ah oo ay ku jiraan Ajaanib u dhalatay dalalka Maraykanka iyo UK, waxaan weli la ogeyn tirada rasmiga ah ee dableyd gudaha u galay hotelka ee halkaasi ka dagaalamayey 12kii saac ee lasoo dhaafay.Booliiska Kenya ayaa horey u sheegay in kooxda weerarka fulisay ay gaadhayeen 4 illaa 6 qof .

Ciidamada amniga qeybahooda kala duwan ayaa weli ku sugan nawaaxiga Hotelka, iyadoo aan weli la aqoon in weli uu halkaasi baaritaanka ka socdo.

Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in dowladiisa aysan ka hari doonin kooxaha soo abaabulay, maalgeliyey iyo kuwii fuliyey weerarkan.

Kooxda Al Shabaab ayaa iyadu isla shalay sheegatay inay weerarkan ka danbeyso.

Dad gaaraya 700 qof ayaa nolol lagu soo badbaadiyey sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada Kenya, dadkaasi ayaa kamid ahaa kuwii ka shaqeenayey xafiisyada goobtaasi kuyaal iyo kuwii degenaa Hotelka Dusit.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in advertise

To Top