Connect with us

somalilandtoday.com

JIGJIGA: Dirawal Laba Sannadood U Xidhnaa Inuu Gaadhi Jiidhsiiyey Wax Dadka Qaar JIN Ku Sheegeen

focus

JIGJIGA: Dirawal Laba Sannadood U Xidhnaa Inuu Gaadhi Jiidhsiiyey Wax Dadka Qaar JIN Ku Sheegeen

(SLT-Jigjiga)-Waxaa jirta sheeko layaab leh oo ka dhacday magaalada Jigjiga ee Xarunta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, halkaas oo nin darawal ahi uu sheegay in uu jiidhay gabadh, ka dibna la waayey qofkii uu jiidhay Raq iyo Ruuxba.

Ninkii darawalka ahaa ayaa xabsi la dhigay ka dib markii uu qirtay inuu qof waddada ku jiidhay. Hase-ahaatee garsooreyaashii maxkamadda ayaa dhageystay dalab uga yimid ninka reerkiisa oo ahaa waxa la jiidhay in aanu bani’aadam ahayn ee uu ahaa jin.

arrintaas ayaana horseedday in ninkii darawalka ahaa xabsiga laga sii daayo.

Garsoore Cabdulqaadi Maxamed Axmed oo ka talo bixiyey in la sii daayo ninkaasi darawalka ayaa sheegay in kiisku uu ahaa mid layaab leh isla-markaana uu ku taliyay in ninka darawalka ah la iska fasaxo.

”Kiiskaasi wuxuu ahaa kiis mucjiso ah oo ka dhacay dowlad deegaanka, cid kastoo maqashaana ay ku qosleyso. Gaadhi ayaa ka baxay Jigjiga inta aanu Kaaramardha gaadhin ayuu ninkii waday yidhi qof ayaan jiidhay, waa uu soo laabtay booliska nabadgelyada waddooyinka ee taraafikada ayuu isku dhiibay oo arrintii uu u sheegay. Dib ayaa loo booqday halkii uu yidhi qof baan ku jiidhay, balse raq iyo ruux waa la waayay, taraafikadii ayaana maxkamadda u soo gudbisay kiiska” ayuu yidhi Cabdulqaadi Maxamed Axmed.

Muddo yar ka dib, dadka reer Jigjiga ayey arrintii gaadhay waxayna isla dhax qaadeen in ninka darawalka ah uu jiidhay haweeney jin ah.

Balse, garsoore Cabdulqaadi Maxamed Axmed, oo ka howl gala maxkamadda guud ee dowlad deegaanka ayaa BBC-da u sheegay in maxkamaddu ayna go’aminin cidda la jiidhay waxay tahay isla-markaana uu ka talo bixiyay.

”Maxkamaddu waxay ninka darawalka ah ku xukuntay 10 sano oo xadhig ah, iyo 100 Kun oo bir oo magdhaw ah, ka dibna kiiska anaga ayuu na soo gaadhay oo waxa la igu yidhi ka talo bixi, waxaan ku idhi, haddii qofka la jiidhay raq iyo ruuxba aan la heynin, lab iyo dhadig wuxuu yahayna la aqoonin aan sii deyno ninka, ka dibna dadkii ay khuseysay arrinta ayaa loo gudbiyay, ninkiina waa la sii daayay”, ayuu yidhi.

Garsoorihii hore ee maxkamadda guud ee dowlad deegaanka Cabdulqaadi ayaa sheegay in ninka aanu u dhalanin degaankaaasi, isla-markaasina ay suurta gal tahay inuu sakhraansanaa oo uu sawirtay inuu qof jiidhay.

Waxaa kale uu sheegay in ninkaasi uu xidhnaa muddo 2 sano iyo badh ah.

Dadka reer Jijiga qaarkood ayaa ilaa hadda aaminsan in qofkii uu dirawalku sheegay inuu jiidhay uu ahaa qof jin ah.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top