Connect with us

somalilandtoday.com

War Deg Deg Ah : Qarax Iyo Weeraro Lala Beegsaday Magaaladda Nairobi Ee Caasimadda KENYA Oo Khaasare Badani Ka Dhashay

focus

War Deg Deg Ah : Qarax Iyo Weeraro Lala Beegsaday Magaaladda Nairobi Ee Caasimadda KENYA Oo Khaasare Badani Ka Dhashay


(SLT-Nairobi) Weerarka qaraxyada ku billowday ee magaalada Nairobi ayaa weli socda, waxaana la rumeysan yahay inuu yahay weerar qorsheysan oo ay soo qaadeen kooxaha argagixisada.

Weerarka ayaa lagu qaaday dhisme uu ku yaallo hotel-ka caanka ah ee Dusit iyo xafiisyo kale, oo ku yaalla deegaanka Riverside Drive ee xaafadda Westlands.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in la xaqiijiyey ugu yaraan dhimashada saddex qof, islamarkaana uu jiro dhaawac badan.

Dad kasoo baxday dhismaha la weeraray ayaa sheegay inay arkeen ugu yaraan afar nin oo hubeysan oo hotelka galaya, balse laga yaabo inay ka badnaan karaan.

Weerarka ayaa ku billowday laba qarax oo xooggan, waxaana kadib xigay weerar rasaas ah.

Qaraxyada ayaa dhawaqooda laga maqlay illaa in ka fog shan KM goobta uu weerarka ka dhacay.

Illaa iyo hadda lama yaqaan cidda weerarka fulisay, hase yeeshee waxaa loo malaynayaa inay tahay kooxda Al-Shabaab.

Maanta waxa ay ku beegan tahay sanad-guuradii saddexaad ee kasoo wareegtay weerarkii ciidamada Kenya loogu gaystay deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo, oo looga dilay in ka badan 150 askari.

Dadka ayaa sheegaya in sanad-guuradii weerarkaas iyo weerarka hadda ka socda Naiorbi aysan si si aan ku talo-gal ahayn isugu soo aadin, balse ay Al-Shabaab qorsheysay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top