Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Farmaajo Oo Ku Jees-Jeesay Xildhibaannadii Mooshinka Ka Keenay

focus

Madaxweyne Farmaajo Oo Ku Jees-Jeesay Xildhibaannadii Mooshinka Ka Keenay

(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa si jees jees iyo kaftan ku jirta ku weeraray Xildhibaannadii Mooshinka ka keenay bishii December ee sanadkii hore, kaasoo Soomaaliya geliyay qalalaase siyaasadeed oo sababay in Fadhiyada Baarlamaanka uu hakad galo.

Khubad uu xalay ka jeediyay Munaasabad casho sharaf aheyd oo lagu soo xidhayay Kalfadhiga 4aad ayuu markii u horeysay kaga hadlay Mooshinkaas oo maalmood kaddib wada hadal iyo is afgarad laga gaadhay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in markii uu maqlay Mooshin in laga keenay uu wacay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, una sheegay inay ka dambeeyaan Kooxdii Qabyo

“Waxaa dhahay Guddoomiye Mooshin baa la qabtaye, see wax u yihiin, wuxuu i yirdhi waa i hor-yaalaa aan kugu soo celiyo, warqadihii ayuu kala rogay, wuxuu i yidhi nambrkaas waaye, waxaa idhi yaa ka dambeeya, wuxuu i yidhi waxaa ka dambeeya dad walaalo ah oo la yiraahdo Qabyo, Ma Qabyada isla ogeyn, Qabyo waxaa ku ogeyn wax walba inay qabyo uga tagaan, bal fiiri hadduu mooshinka dhan yahay, dib buu u fiiriyay, wuxuu arkay saxiixyo la saxiixay sanadkii 2017, tuhunka la qabana uu yahay dhamaadka 2018, waxaa ku idhi see ay isku waafaqeysa, wuxuu yidhi, waxay arkayeen waxa soo socda sanad ka bacdo, waxaa ku yiri qalad kale maku jiraa, wuxuu yiri saxiixa waxaa ka maqan taariikhda, waxaa ku yidhi sidee taariikhda qofka ku iloobay, waxaa ku idhi maxaa kaloo ku jira, waxaa kaloo ku jira dad kaloo xanuunsan oo dibadaha jira oo aan ka warqabin waxa socda”ayuu yidhi Madaxweyne Farmaajo.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top