Connect with us

somalilandtoday.com

Beentii Way Soo Dhamaatay, Somaliland Noqon Meyso Kaadh La Xoqdo !

Articles

Beentii Way Soo Dhamaatay, Somaliland Noqon Meyso Kaadh La Xoqdo !

indhaha iyo dhagaha bulshada reer somaliland muddo 28 ah, waxaa daashaday eraygaa somaliland diid ama loola jeedo dad siyaasada iyo doonista laysku hayo, siiba dad gaar ah, oo marka la arko in ay sidii siyaad bare kacaankii ka dheereyeen ayaa loo xoqdaa kaadhka khalkhal galinta ee bulshada indhahooda iyo dhagahoodaba lagu daalacsiinayo been iyo cunfi aan sal iyo raad toona lahayn,

waxaad arkaysaa marka uu siyaasigu tahli wayo inuu hogaamin sulban oo bilaa dhaliilo ah, sameeyo wadankan yarna uu u maamusho sidii meherad yar oo isagu leeyahay taasina ay keento cadho bulsho oo baahansan iyo mucaarid adag, waxay la noqotaa in siyaasad laga dhigto somaliland

diid ama nabad ayuu wax yeelayaa,
hadaba madaxda maanta taagan waxan leeyahay cirka ku tagi maysaan, xilka qarankee ha xigmad guurina, haddii ay fashil idinka tahayna damiir yeesho is dhiibaa is casiladu waa milgo iyo karaamo ,

caqliga dhalinyarada iyo bulshadana yaan la caayin oo la moodin kuwa wax ma tarayaal ah,

dhalinyaradana waxaan leeyahay waar biwayee ha noqonina kuwa markasta iyo meelkasta iyo waxkastaa sacabka u tuma !

marka mid idin adeegaa sidii doono reernimo iyo xigaalnimo idinku shaqaysto bari kamaalina kiiba maaha .

hadaba wasiirada hadalkoodu soo noqnoqonayo waxaan leeyahay taasi waa laga korey ee kaadh kale soo xoqdaa .

Qore : Sir mohamud hussein Awliyo

E-mail: mohoud.amin@gmail.com

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top