Connect with us

somalilandtoday.com

Soomaliya: Xildhibaan Sakariye Oo Ka Tirsan Baarlamaanka Oo Dhaleeceeyay Ninka Cadaanka Ah Ee Bangiga Dhexe Loo Dhiibay.

focus

Soomaliya: Xildhibaan Sakariye Oo Ka Tirsan Baarlamaanka Oo Dhaleeceeyay Ninka Cadaanka Ah Ee Bangiga Dhexe Loo Dhiibay.


(SLT-Muqdisho)Xildhibaan Sakariye Xaaji Maxamuud oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka Dalkaasi Soomaliya ,isla markaana hadal ka jeedinayay kulanka Maanta ee Golaha ayaa siweyn uga soo horjeestay Xeerka Xeerka Agaasinka Bankiga Dhexe oo baarlamaanka horyaalla.

Waxa uu guddoomiyaha Golaha Shacabka ka dalbaday cadeynta in warqada Xeerka ku qoran yahay lasoo marsiiyay dhamaan Golaha Wasiirada,waxana uu walaac xoogan ka muujiyay in Xildhibaanada ansixiyaan xeerkaas.

“Waxaan walaac ka qabaa in xildhibaanadu xeerkaas ansixiyaan,waxaa na daawanaya dad Aqoonyahano ah iyo kuwo aan matalno,hadii xildhibaanadu ansixiyaan waa qiyaano qaran ayuu yidhi Xildhibaan Sakariye Xaaji Maxamuud.

Waxa uu Xildhibaanada Golaha Shacabka uga digay inay ansixiyaan Xeerka Agaasinka Bankiga Dhexe oo hadda doodiisu ay ka socoto Xarunta Golaha Shacabka ee Magalada Muqdisho.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top